Wadanka Ingriiska oo dib u furey safaaradii uu ku lahaa Iran

Image

23 August, 2015 (GO)- Wadanka Ingriiska ayaa mudo afar sano kadib safaardiisa uu ku lahaa dalka Iran dib u furey kadib markii la xirey sanadkii 2011 markaa xiriirka labada dal xumaadey.

Wasiirka arrimaha dibada Ingriiska Philip Hammond ayaa joogey xafladii lagu furayey safaarada, Mr Hammond ayaa noqdey wasiirkii ka socda arrimaha dibada oo booqda dalkaas tan iyo 2003.

Safaarada Ingriiska wadanka Iran ku leedahay ayaa la xirey kadib markii dad mudahaaradaya oo ka xanaaqsan cunaqabateynta wadamada reer Galbeedka ku soo roogeen Dehran weerareen.

Mr. Harmmond ayaa sheegey in weerarkii loo gaystey safaarada Ingriiska ee Tehran hoos u dhigtey xiriirka labada wadank balse tartiib u soo hagaagey tan iyo intii xilka qabtey madaxweyne Hassan Rouhani.

Philip ayaa sheegey in sababta kale oo dib u furiskta safaaradaan ay tahay heshiiskii dhowana laga gaarey dhismaha warshada Nukleeyrka taasoo keentey isu soo dhowaansho muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM