Warbixin laga soo saarey xaalada caafimaad ee ra'iisul wasaaraha UK

Image

Ra'iisul wasaare Boris Johnson, ayaa loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus ee cisbitaalka, ka dib markii astaamahii xanuunka 'coronavirus' ee lagu arkay ay ka sii dareen sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Downing Street .

Afhayeen u hadalay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad .

Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah .

Ra'iisul wasaraha oo da'diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona.

Boqoradda ayaa si taako taako ah loola socodsiinayay hadba halka ay marayso xaalada Mr Johnson sida laga soo xigtay aqalka boqortooyada UK ee Buckingham Palace.

Wariyaha arrimaha siyaasadda ee BBC-da Chris Mason ayaa sheegay in raisul wasaaraha lagu xidhay ogasjiin, gelinkii dambe ee maanta ka hor inta aan loo wareejin qaybta daryeelka xaaladaha culus.

Qoraal ka so baxay aqalka boqortooyada ayaa lagu sheegay: " Gelinkii dambe ee isniinta xaaladda Raiisul wasaaraha ayaa ka sii dartay waxaana kooxdiisa caafimaadku ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka culus ee isbitaalka."

Hadalka oo sii socda ayaa lagu yidhi " Raiisul wasaaruhu wuu ka soo reynayaa wuxuuna u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS, shaqadooda iyo dedaalkooda."

Xoghayaha Arrimaha dibadda Raab, wuxuu sheegay "waxaa jira" koox aad iyo aad u xoog badan isla mar ahaantaa u niyadsan " oo gacanta ku haya ra'iisul wasaaraha.

Wuxuu intaas ku daray isaga iyo asxaabtiisu inay hubinayeen inay fuliyaan qorshayaasha Mr Johnson uu faray inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan.

"Taasi waa habka aan dalka oo dhan ugu caddayn karno loollanka coronavirus," ayuu yidhi.

Chancellor Rishi Sunak wuxuu sheegay in ducadiisu ay la jiraan ra'iisul wasaaraha iyo xaaskiisa uurka leh, Carrie Symonds, iyo in Mr Johnson "uu kasoo bixi doono tan xitaa isagoo sidiisii kasii xoog badan".

Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay "war aad u xun oo naxdin leh".

"Niyadda dadka waddanka oo dhan waxay la jiraan ra'iisul wasaaraha iyo qoyskiisa inta lagu jiro waqtigan aadka u adag," ayuu raaciyay.

Mr Johnson ayaa markii hore loo qaaday cisbitaalka si loogu sameeyo baadhitaano joogto ah kadib markii laga helay cudurka loo yaqaan coronavirus 10 maalmood ka hor. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ahaa heerkul sare iyo qufac.

Horraantii Isniinta, waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka inuu ku jiro "xaalad wanaagsan".

Falanqeyn, weriyaha caafimaadka iyo sayniska ee BBC
Qaybta daryeelka xaaladaha culus, waa qaybta lagu daaweeyo qofka ugu xanuuun liita. Taas macnaheeda in halkaas loo gudbiyey waxay caddaynaysaa sid ay u daran tahay xaaladda raysal wasaaruhu.

Ma ogin, xogta dhabta ah ee xaaladda Johnson, laakiin waa uu baraad la'ayahay hawo qaadashudana way ku adag tahay.

Bukaan jiif kasta oo ku jira daryeelka degdegga ah ma ahan hawo qaadashadoodu sax tahay, laakiin ku dhawaad saddex-meelood laba meelood waxay ku dhexjiraan 24 saacadood gudahooda marka loo dhigo Covid-19.


Caalamadaha ay sheegeen in cudurkaan lagu garto hay'adaha caafimaadka qaabilsan waxaa kamid ah: 

  • Xumad sare- oo aad ku garan karto hadaad taabato shafkaaga iyo dhabarka
  •  qufac cusub oo iska socda- taas macnaheeda waa in aad si joogto ah u qufaceyso

Waxaa loogu baaqey qof walba oo dareemaya calaamadahaas inuu jooga gurigiisa ugu yaraan 7 cisho.

Hadaad la nooshahay dad kale, waa in iyaguna guriga joogaan 14 cisho si ay isaga ilaaliyaan iney faafiyaan xanuunkaan dilaaga ah.

 14 cisho kadib, qof walba oo guriga kugula nool guriga oo aan caalamadaha lagu garto xanuunkaan ka soo bixin waa in nolol maalmedkiisa Caadiga ah dib ugu noqdaa. 

Hadaad la nooshahay dad ama qof da'diisu gaareyso 70 jir xanuun kale qaba ama qof xaamilo dumar ah meel kale ka aad xaafada oo ku noolow.


Kani waa cudur ku dhaca sambabada wuxuuna sababi karaa oof wareen iyo neefsashada oo dhib kugu noqota.

Tani waxay jidhka ka dhigaysaa inuu ku dhibtoodo inuu helo oksijiin ku filan dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah ee jidhka.

Ma jiro daaweyn la xaqiijiyey oo loogu talogalay Covid-19, in kasta oo ay jiraan kuwo aan la xaqiijin.

Wasiirka Koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay "u dirayaan [Mr Johnson] inay u rejaynayso soo kabasho wanaagsan", halka Wasiirka Koowaad ee Waqooyiga Ireland Arlene Foster ay intaas raacisay "inay ugu duceyneyaan soo kabasho buuxda oo deg deg ah".

Madaxweynihii ka horreeyay Mr Johnson, Theresa May, iyo hoggaamiyihii hore ee ee Xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa labaduba sheegay in maankoodu uu la jiro isaga.

Mrs May waxay tilmaamtay in "feyraskan naxdinta leh uusan cidna takoorin".

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mr Johnson "uu si dhakhso leh uga soo kabto dhibaatadan."

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in cisbitaalka St Thomas 'ay leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka adduunka ugu fiican' iyo in ra'iisul wasaaruhu "uu ku jiro gacmo badbaado leh".

BBC + GO

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM