Warbixin: Maxaa laga Fili karaa kulanka madaxda Jaamacada Carabta uga socda dalka Jordan?

Image

Kulanka Madaxweynayaasha 22 dal ee ka tirsan Jaamacada carabta kasoo maanta ka furmey dalka Jordan ayaa laga sugeyn in go'aamo wax ka qaban kara dhibaatooyinka haysta wadamada ku bahoobey ururkaan kasoo baxaan.

Sanadkaan ayaa kulankaan waxaa uu ku soo beegmey xilli gobolka ka jiraan dhibaatooyin isugu jira dagaalo, shaqo la'aanta dhalinyarada oo kordheysa halka kor u kaceyso waxbarasho la'aanta haysa caruurta gobolka.

Wasiirka arimaha dibada dalka Jordan Ayman Safadi, ayaa maalintii Isniinta waxaa sawir naxdin leh ka baxshey dhibaatooyinka haysta wadamada ku bahoobey ururkaan kuwasoo ah in si deg deg xal loogu helo.

"Nidaamkii siyaasadeed ee wadamada Carabta waxaa uu noqdey mid Kufa halka kalsoonidii shacabka wadamadaan ku qabeen dowladahooda dhuntey." ayuu yiri Ayman.

Wasiirka arimaha dibada Jordan ayaa u sheegey sidoo kale wasiirada arimaha dibada wadamada kale ee ku bahoobey ururkaan in 12 milyan caruur ah ee ku nool gobolka waxbarasho laga horistaagey sababtoo ah dagaalada ka socda dalalka Libaya, Syria, Yamen.

Ahmad Aboul Gheit oo ah xoghayaha guud ee ururka ayaa sheegey in kulankaan uu diirada saaro arimaha bulshada iyo dhaqaalaha kuwasoo waqtigaan ah caqabada ugu weyn ee gobolka haysata sida dhibaatada shaqo la'aanta dhalinyarada  ee gaareysa 29%.

Warbixintaan ayaa lagu sheegey in loo baahan yahay 60 million oo shaqo ah gobolka abuuro si uu xal ugu helo tirada dhalinyarada kordheysa taas oo lagu qiyaasey in guud ahaan shacabka wadamada ku bahoobey Jaamacada Carabta yihiin 30%.

Xoghayaha ururkaan ayaa ka dalbadey madaxda wadamada Carabta xaliyaan dhibaatada dagaalka wadanka Syria inta ay u dhaafi lahayeen iney xal ka keenaan quwado kale.

"Aragtideyda waxay ila tahay ineysan sax aheyn in dowladaha Carabta dibada ka taagnaadaan dhibaatadii ugu balaareyd ee ka dhacda gobolka." ayuu yiri Abul Gheit "isagoo ugu baaqey in la helo dariiqo lagu soo faragalin karo dhibkaan taagan si loo joojiyo dhiiga daadanaya."

Kulankaan ayaa waxa laga martiqaadin dowlada ka jirta wadanka Syria halka ay goob joog yihiin xoghayaha qaramada midoobey.

Ka maqnaashaha wadamada Carabta dhibaatada ka jirta dalka Syria ayaa waxaa ay fursad siisey wadamada Iran iyo Turkey kuwasoo aan aheyn shucuubtoodu aheyn Carab.

Shirka u dhexeeya wadamada Carabta ayaa ka shaqeyn doona khilaafka dalka Sucuudiga iyo Masar u dhexeeya kasoo ku aadan arimaha Syria.

Dalka Sucuudiga ayaa tageero qayb ka tirsan ururada mucaaradka ee hubeysan halka dalka Masar diidan yahay in fursad badan la siiyo kooxaha hubeysan taasoo keeni karta in Madaxweynaha dalka Syria sii hayo xukunka.

Ugu dambeyn dadka la socda siyaasada gobolka ayaa qaba iney adag tahay in wadamada Carabta fikrad mideysan ka qaataan dhibaatooyinka haysta madaama dowladaha ka dhisan kala raacsan yihiin quwade kale oo dibada ka ah kuwasoo danahooda ka eega arimaha gobolka.

GAROWEONLINE + WAKAALDAHA 

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM