Wariyaal lagu diley Virginia

Image

26 August, 2015 (GO)-Labo wariye ayaa lagu diley gobolka Virginia ee Mareykan qof kalena waa la dhaawacay xilli wariyaashan ay ku jireen wareysi toos ah oo ay la yeelanayeen dalxiisayaal ku sugnaa Buundo ku taalla Franklin County.

“Ma garan karo ujeedka, ma garan karo cidda dilka ka dambeysay, balse waxan hubaa qofka dilka gaystey inuu ku sugnaa goobta”Sidaasi waxaa yiri goob jooge la hadlay Aljazeera.

Alison Parker iyo Adam Ward, ayaa ahaa wariye iyo sawir qaade telefishin, waxayna u shaqaynayeen telefishin la shaqeeya CBC ee magaalada Moneta ee Bedford County.

Qofka dhaawaca ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa qofkii laga qaadayay wareysiga.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysa dilkaasi iyo sababta lagu diley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM