Wasiir katirsanaa Xukuumadda Israel oo qirtay inuu basaas u ahaa Iran

Image

Wasiir hore uga tirsanaa dowladda Israel oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa Iran, ayaa xabsi ku qaadan doona 11 sano, taasi oo qeyb ka ah heshiis dambi qirasho oo uu la galay mas’uuliyiinta, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Gonen Segev uu heshiiska ogolaaday kadib markii uu qirtay inuu si xooggan ugu jaajuusay islamarkaana akhbaaraad ugu gudbay “cadowga.”

Heshiiska Segev iyo dowladda ayaa bisha soo socota la horkeeni doonaa garsoore maxkamadeed. Israel ma bixin faahfaahin intaas dheer.

Segev ayaa wasiirka tamarta ka ahaa dowladdii ra’iisul wasaare Yitzhak Rabin ee sanadihii sagaashamaadka, waxaana mar loo xabisay inuu isku dayey inuu daroogo soo geliyo Israel.

Segev ayaa bishii May ee sanaddii 2018 laga soo masaafuriyey dalka Equatorial Guinea, waxaana la xiray markii uu yimid Israel, ayada oo lagu tuhmayo inuu wakiil u ahaa sirdoonka Iran oo uu siiyey xog ku saabsan “suuqa tamarta iyo goobaha amniga Israel”

Hay’adda ammaanka gudaha Israel ee Shin bet ayaa horey u sheegtay in Segev uu laba howlwadeen oo ka tirsan sirdoonka Iran kula kulmay gudaha Iran, sidoo kalena uu wakiilo kale kula kulmay dafaaha dunida.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM