Wasiirka Amniga Indonesia oo dhaawacmay kadib weerar Mindi

Image

JAKARTA, Indonesia – Wasiirka Amniga Indonesia ayaa isbitaal loola cararay kadib markii lagu beegsaday weerar loo adeegsaday Toorey.

Jeneraal Wiranto ayaa waxa uu falkan la kulmay xili uu kormeer ku joogay magaaladda Pandeglang ee gobolka Banten, maanta oo Khamiis ah.

Booliska oo xusay in laba ruux loosoo xiray dhacdadan ayaa ku tilmaamay "mid salka ku haya xagjirnimo Islaami ah". ISIL ayuu ku eedeeyay.

"Wasiirka xaaladiisa caafimaad way wanaagsan tahay, waxaana loo duuliyey caasimadda Jakarta, si baxbaano u helo," ayuu talisku raaciyay.

Muuqaal ay baahiyeen laamaha ammaanka ayaa muujiyey in wasiirka la beegsaday isaga oo kasoo degaya gaari nooca raaxada ah.

Gacan ku dhiiglaha oo cadaalad suge ah isla markaana kasoo dhex-dusay dad badan ayaa waxa uu watay Shaati madow ah.

Wiranto oo kamid ah xubnaha wasiiradda ah ee aadka ugu dhow madaxweyne Joko Widodo ayaa xilka waxaa loo magacaabay sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM