Wasiirkii Maaliyadda Turkiga oo isu casilay sababo caafimaad

Image

ANKARA, Turkey – Wasiirkii Maaliyadda Turkiga, Berat Albayrak, ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu isu casilay sababo caafimaad, sidda ku yiri qoraal uu soo dhigay ciwaanadiisa baraha bulshadda.

Albayrak ayaa sheegay in uu waqti la qaadan doono qoyskiisa kadib markii uu wareejiyo xilka uu waqti xaadirkaan ku fadhiyo.

Laba kamid ah afhayeenadda Albayrak ayaa xaqiijiyey in ciwaanada lasoo dhigay bayaanka uu leeyahay wasiirka balse waxay ka gaabsadeen in ay caddeeyeen sax ahaanshiyaha war-saxaafadeedka lama filaanka ah.

Is-casilaada wasiirka ayaa timid xilli madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu si lama filaan ah ku eryay Gudoomiyihii Baanka Dhexe, Murat Uysal, isla markaana uu ku bedelay 52-jir wasiirkii hore ee maaliyada, Naci Agbal.

"Waxaan go'aansaday in aan sii wadin waajibaadkeyga wasiiranimo kadib shan sano oo xaan xafiiska joogay sababo caafimaad darteeda," ayuu yiri. "Waxaan waqti la qaadan doonan, hooyadey, aabahey, xaaskeyga iyo caruurteyda kuwaasoo si daruuri ah iiga dayacmay sanado badan".

Madaxtooyadda Turkiga ayaan wali ka hadlin go'aanka Albayrak kaasoo kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Erdogan.

Albayrak oo qaba gabadha Erdogan ee Esra ayaa Golaha Wasiirada kamid ahaa tan iyo 2015-kii. Wasiirka Tamarta ayuu ahaa kahor inta uusan la wareegin Xilka ugu sareeya ee dhanka Dhaqaalaha sanadkii 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM