"Waxay kasoo carareen colaad, waxaana lagu dilay Masjid dhexdiisa"

Image
Image
Image
Image

CHRISTCHURCH, New Zealand - Maalin madow ayay u ahayd dunida Muslim-ka markii Jimcadii la weeraray labo masjid uu ku yaalla magaaladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Nin cunsuri ah ayaa ka geystay labadaasi Masjid xasuuq uu ku laayay 49 ruux oo ahaa Muslimiin cibaadaysaneysay.

Dadka la dilay oo ay Ku jireen caruur iyo haween ayaa waxaa kamid ah dad Soomaali ah, oo kamid ahaa wiil 3 jir ah.

Guud ahaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi ayaa la aasay maanta oo Sabti ah, xili dadka dhaawaca ah ay Isbitaalada ku jiraan.

Brenton Tarrant, 28-sano jirka cunsiriga ah ee laayay Muslimiintaasi, ayaa maanta maxkamad lasoo taagay, balse xukunkiisa dib loo dhigay illaa bishi April.

Inta badan dadka la dilay ayaa wadamadooda uga soo cararay colaado ka jira. Hadaba, Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya qisada saddex kamid ah dhibanayaasha.

– Xaaji Daa'uud Nabi –

40-sano kahor, 1979, ayuu dalkiisa Afghanistan uga soo cararay dagaalkii wadankiisa kala dhaxeeyay Midowgii Suufiyeeti.

Wuxuu ifka kaga tegay xaas iyo caruur. Wuxuu ahaa shaqsiga labaad ee kasoo jeeda wadanka Afghanistan ee lagu dilay xasuuqaasi.

"Waan u xiisi doonaa…sababtoo ah, waxa uu halkaan nooga dhigay dad wanaagsan," ayuu yiri wiilkiisa Cumar, oo 43-sano jir ah.

Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u buuxin lahaa booskii uu Aabihiisa kaga jiray bulshadda.

"Wuxuu mar kasta noo sheegi jiray sida ay u fiican tahay midnimada bulshada iyo in la difaaco dadka nagu hareeraysan," ayuu u sheegay Al Jazeera.

– Khaalid Mustafa –

Muhaajir reer Suuriya ah, kaasi oo kamid ahaa dhibanayaasha weerarkii Jimcaha xili ay Masjidka ku wehlinayeen labo caruur oo uu dhalay.

Kaliya sanadkii 2018-kii ayay yimaadeen isaga iyo qoyskiisa wadanka New Zealand, waxayna kasoo baxsadeen colaadaha dalkooda ka jira.

Mid kamid ah wiilasha Khaalid wuxuu ku jiraa Isbitaal, laakiin mid kale ayaa raq iyo ruux lagu la'yahay tan iyo markii uu dhacay weerarka.

– Lilik Cabdul Xaamid –

Wuxuu kasoo jeedaa Indonesia, waxaana lagu dilay toogashada, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda dowladiisa.

"Qoyska dadka laga dilay waxay dalban lahayeen in loo duceeyo kuwii ay jeclaayeen ee ku baxay gacanta cunsuriga," ayay tiri wasaarada, sida ku cad qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Weerarkii Jimcada oo dunida oo idil ay si balaaran u cambaareysay ayaa ahaa xasuuqii ugu cuslaa taariikhda cusub ee New Zealand.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM