Weerar askar badan lagu dilay oo ka dhacay bartamaha Hindiya

Image

NEW DEHLI, India – Ugu yaraan 15 askari iyo hal ruux oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay ku naf-waayeen markii kolanyo ay la socdeen ciidanka lagu weeraray wadanka Hindiya.

Weerarka oo loo adeegsaday Miino ayaa xili hore oo Arbacadii ah ka dhacay degmada Gadchiroli ee gobolka dhaca Galbeedka iyo Bartamaha ee Maharashtra.

Booliska ayaa waxa uu ku eedeeyay in dhacdadaasi jidgalka ah ay ka dambeysay kooxda Naxal oo sidoo kale loo yaqaano Indian Maoist.

Indian Maoist oo Hindiya ka aas-aasan tan iyo 1960-kii ayaa weeraro ka dhan ah xoogaga dowladda bilowday sanadkii 2000-kii.

Dhaqdhaqaaqaasi ayaa ah garab hubeysan oo kamida Xisbiga Shuuciga ah ee loogu yeero People's Liberation Guerrilla Army.

In ka badan laba kun oo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday howlgaladda Maoist ka fulisay Hindiya tan iyo 2010-kii, sida uu bileysku shaaciyay.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa wuxuu si adag u cambaareeyay weerarka, isaga oo bogaadiyey "naf-hurnimada askarta la dilay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM