Weerar ka dhacay Jerusalem oo shan qof lagu diley

Image

November 18, 2014 (GO)- Shan qof oo Israa'iiliyiin ahaa ayaa ku geeriyoodey afar kalena way ku dhaawacmeen weerar goor hore oo saaka ah lagu qaaday kaniisad ku taalla galbeedka magaalada Jerusalem (Qudus). Weerarka waxaa geystey labo nin oo ku hubeysnaa baaskoolad, mindiyo iyo faasas.

Labada nin oo Falastiiniyiin ahaa waxay xoog ku galeen kaniisadda kadibna si aan kala sooc lahayn u weerareen qaar kamid ah dadkii halkaas ku cibaadeysanayey.

Booliska Israel oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa toogasho ku diley labadii nin ee weerarka geystey. Dhanka kale booliska Israel ayaa sheegay inay ku raad joogaan dhowr qof oo arintan lala xiriirinayo.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii isla magaalada Jerusalem lagu diley nin dhallinyaro ahaa oo Falastiin u dhashay laguna magacaabi jirey Yuusuf Al-ramooni, kaasoo kooxo xagjir ah oo Israa'iiliyiini ahi xarig ku ceejiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM