Weerar ka dhacay Sydney Australia

Image

Boliiska magalada Sydney ee waddanka Australia, ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday howlgal muddo qaaday oo ka dhacay magalada, kadib markii nin hubaysan labo qof ku dhaawacay warashad ku taalla Koonfur Galbeed magalada oo lagu magacaabo Ingleburn.

Ninkan, ayaa laamaha ammaanku xaqiijiyeen inuu is-dilay, kadib markii muddo badan Boliisku is horfadhiyeen, waxaana wararku intaasi ku darayaan inay socdaan baaritaano la xiriira falkan iyo hubinta inuu afduub u haystay dad kale.

Labo qof oo ninkaasi dablayda ahaa dhaawacay, ayaa loo qaaday Cusbital lagu magacaabo Liverpool Hospital, waxaana la sheegay in mid kamid ah oo xaaladiisu liidatay loo sameeyay qaliin deg deg ah, halka kan kale dhaawac fudud soo gaaray.

Sawirro goobta laga qaaday ayaa muujinaya Boliis aad u hubaysan oo ku hareeraysan warshadda Inline National Signage iyo wax la moodo mayd maro cad lagu duubay oo yaalla wadada dhinaceeda.

Wararka, ayaa intaasi ku daraya in la xiray qof kale oo rag ah kaasi oo is hortaag ku sameeyay Boliiska howlgalka ku jiray.

Majirto faah-faahin kale oo ku saabsan ninkaasi iyo sababta falkaasi ku kaliftay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM