Weerar ka dhacay Toronto, Canada iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TORONTO - Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Darawalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn, xabsiga ayaana la dhigay.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

Kuxigeenka taliyaha booliska Toronto, Peter Yuen, ayaa sheegay in boolisku uu baarayo darawalkii waday gaariga, waxa uuna codsaday in dadkii goobjoogayaasha ah ay la soo xiriiraan.

Weerarka ayaa ka dhacday dhabaha Yonge iyo wadada Finch saacaddu markii ay aheyd 1:30 duhurnimo xilliga Canada, ilaa 2 km ayuuna weerrarku ka dhacay.

Meel halkaasi u jirta 30 km ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7 ee ku hormuray warshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM