Weerarada Sri Lanka: Dad la xiray iyo baraha bulshada oo la xanibay

Image
Image
Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday in ay xabsiga dhigtay todoba ruux oo lala xiriirinayo weeraradii maanta gil-gilay dalkaasi.

Weerarada oo loo adeegsado sideed qaraxyo is-miidaamin ah ayaa ka kala dhacay magaalada caasimada ah ee Colombo iyo kuwa Galbeedka dhaca.

Bartilmaameedka ayaa ahaa Kaniisado iyo Huteelo kuwa loo tamashlo tago ah, halkaasi oo lagu dilay ku dhowaad 200 ruux. Dhaawacuna waa in ka badan 600.

Booliska ayaa xaqiijiyay geerida 180 qof, kuwaasi oo 22 kamida ay yihiin dalxiisayaal Ajaaniib ah, oo dunida dacaladeeda isaga kala yimid.

Bandow socon doona illaa iyo amar oo xaalka lagu dejinayo ayaa lasoo rogay xili baraha bulshada kuwooda ugu saameynta badan la mamnuucay.

Hogaanka dalkaasi ayaa rayidka ka codsaday in ay is-dejiyaan, ayna kala shaqeeyaan laamaha amaanka baadigoobka kuwa weerarka fuliyay.

Illaa iyo haatan si dhab ah looma ogga cidda fulisay weeraradaan oo dunida oo dhan uu si isku mid ah uu u cambaareeyay.

Waxay noqonayaa mid kamida mashaqooyinkii ugu darnaa ee dalka Sri Lanka laga soo wariyo tan iyo 2009-kii colaad ay ka joogsatay dalkaasi.

Soo afjaridda colaadaasi ayaa ka dambeysay markii ay dowladdu ka adkaatay maleyshiyaadka/falaagada Tamil Tigers oo khalalaaso waday.

Dadka ugu badan ee ku nool Sri Lanka ayaa aaminsan diinta Masiixiga, iyada Muslimiinta ay kamid yihiin marka boqoley loo eego kaliya 7.8%.

Kerishtaanka ayaa 2013-kii dhowr jeer weerar ku ekeeyay Masaajido ay leeyihiin shucuubta Musliinta, iyaga oo dab-qabadsiiyay dadna ku laayey.

Kooxaha Islaamiyiinta ee Jihaad-alooslayasha ah sida Daacish ayaa laga cabsi qabay in ay ka faa'ideystaan kala qaybsanaantiisa.

Dowladda ayaa waqtigaasi soo rogtay xaala deg deg ah si ay wax uga qabato arrinkaasi, waxaana sanadihii u dambeeyay wadankaasi uu ahaa mid xasiloon.

Weeraradaan oo bilowday 8-da subaxnimo waqtiga maxaliga ah ee Sri Lanka ayaa lagu soo beegay iyada oo Masiixiyiinta ay ku guda jireen dabaaldega ciidadda Ester-ka oo soo bilaabatay Jimcadii kuna eg Isniinta.

Golaha Musliinta ee Sri Lanka oo si adag u cambaareeyay dhacdooyinkaasi lagu beegsaday Kaniisadaha iyo Huteelada kuwa lagu raaxeysto ayaa shaaciyay in ay kasoo horjeeda falalka wax u dhimaya amaanka dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM