Weerarro khasaare geystey oo ka dhacay caasimadda Denmark

Image

February 15, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyoodey saddex kalena way ku dhaawacmeen, labo weerar oo siyaabo kala duwan shalay uga dhacay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

Weerarka koowaad waxaa lala beegsaday goob maqaayad ah oo ay ka socotey xaflad ku saabsan xoriyatul qowlka. Nin ku hubeysnaa qori nooca darandooriga u dhaca ah oo durbadiiba goobta ka baxsadey ayaa la sheegay inuu weerarkaas geystey, waxaana weerarka lagu diley hal qof oo riyid ahaa, labo askari oo booliska ka tirsanina way ku dhaawacmeen.

Xafladda  ka socotey maqaayadda la weeraray waxaa soo qaban qaabiyey far-shaxamiiste Swidish ah oo lagu magacaabo  Lars Vilks. Ninkaas ayaa sanadkii 2007 sameeyey sawir-gacmeed lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKH), arintaasoo caro xoogggan ka dhalisey dunida Muslimka ah.

Laga soo bilaabo 2007, Lars Vilks wuxuu ku jirey dhuumasho isagoo ka badbaadey dhowr weerar oo la doonayey in lagu khaarijiyo.

Weerarka labaad oo dhacay saacado kadib waxaa lala beegsaday kaniisad dadka Yuhuuda ahi leeyihiin oo ku taalla isla magaalada Copenhagen, waxaana lagu diley qof shacab ahaa iyo labo askari oo boolis ah.

Saraakiil u hadlay booliska Denmark ayaa sheegay in labada weerar yihiin kuwo argagixiso, balse ilaa iyo hadda aysan xaqiijin karin in  isku hal meel laga soo qorsheeyey oo ay xiriir leeyihiin iyo in kale.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay ku raad joogaan labo qof oo laga shekiyey, kuwaasoo mid kamid ah sawirkiisa la faafiyey.

Bishii January ee lasoo dhaafay horraanteedii ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris, dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska kamid ahaa.

Charlie Hebdo wuxuu marar badan daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah si weynna looga mudaaharaaday.

GAROWE ONLINE + Wakaaladaha Wararka

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM