WFP oo dhintey cuntada la siiyo qaxootiga ku jira xeryaha Kenya

Image

November 15, 2014 (GO)- Hay'adda WFP ayaa sheegtay in laga bilaabo maanta la dhimi doono 50% deeqda cuntada ah ee la siiyo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Go'aanka cunto dhimista WFP waxay u sababaysay dhaqaale yari soo wajahday, maadaama hoos dhaceen lacagihii deeq bixiyeyaashu hay'adda ku kaabi jireen.

Cunto dhimista oo sii socon doonta muddo afar bilood  ah waxaa walaac xooggan ka muujiyey dadka qaxootiga oo noloshoodu si toos ah ugu tiirsan tahay gargaarka cuntada ee WFP siiso.

Dhanka kale waxaa jirta cabsi laga qabo in nafaqo darro soo wajahdo carruurta yaryar iyo dadka da'da ah oo markii horeba aan daryeel fiican haysan.

Bishii November ee sanadkii hore 2013 ayey sidan oo kale hay'adda WFP u dhintey 20% gargaarka cuntada ah ee la siiyo qaxootiga Soomaalida u badan ee ku jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM