WHO oo sameysay saadaalin ku saabsan tirada kiisaska Covid-19

Image

NEW YORK, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa saadaalisay in kiisaska Coronavirus ee guud ahaan caalamka ay mustaqbalka dhow gaari doonan hal milyan.

Tedros Adhanom, madaxa guud ee WHO oo saadaalintaas sameeyay, ayaa muujiyay walaac badan uu arrinkaas uu ka qabo, wallow uu rajeeyay in dunida ay isla garan doonto halista.

Inta illaa iyo haatan la diiwaan-geliyey, kiisaska ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay gaareen sagaal boqol oo kun, iyaddoo dadka u geeriyooday cudurka ay ka badan yihiin 43-kun oo qof.

Sidda ku xusan macluumaadkii ugu dambeeyay, dadka kasoo kabtay fayruska ayaanan ka badneyd 180-kun.

Wadamada kala ah; Talyaaniga, Spain, Shiinaha, Mareykanka iyo Faransiiska waa kuwa uu ka dilay dadka ugu badan.

In ka badan 30-shirkadood iyo xarumo caafimaad ayaa ku howlan siddii ay u soo saari lahaayeen talaal looga hortago caabuqa.

Sikastaba, waxaanan wali la ogeyn goorta la heli doono talaalkaas oo muhiim u ah la dagaalanka Covid—19, oo ah xanuunka uu sababay Coronavirus, oo kasoo bilowday Wuhan, bartamaha China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM