Xamaas oo sii deysay haweeney Israa’iil u dhalatay iyo caruur ay dhashay

Image

QUDUS - Guutada Izz al-Diin al-Qassam, oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa ku dhawaaqay Arbacada inay sii daayeen haweeney Israa’iil u dhalatay iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Al-Qassam ayaa ku yiri bayaan ay soo saareen in haweeneysda iyo labadeeda carruur ah la sii daayay ka dib markii lagu xiray iska horimaadyada.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa dhankiisa yiri: “Kadib markii dunida oo dhan ay aragtay wejigeeda foosha xun oo runta ah sida urur waxashnimo ah oo boqolaal caruur iyo haween aan waxba galabsan ku dilay weerar argagixiso.”

Adraee ayaa intaas ku daray: "Runtu waa caddahay, sifooyinkeeduna way sii caddaan doonaan maalmaha soo socda, Xamaas way ka sii daran tahay Daacish, waxaana sii wadi doonnaa duqeymaha oo aan joogsi lahayn."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhulgariirka Afghanistan: Dad laga baadi-goobayo dhismooyinka dumay

Dhismayaasha Afgaanistaan intooda badan waa kuwo dhulka hoose ah, laguna dhisay sibir, leben iyo mararka qaar dhoobo iyo alwaax.

  • Caalamka

    02-09-2025

  • 09:08AM

Xuutiyiinta Yemen oo Sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirro ku Dhinteen Duqeyn Israa'iil

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysay maraakiibta ku socda Badda Cas.

  • Caalamka

    30-08-2025

  • 03:47PM