Xawaaladda AMAL oo tababar siisay Wakiilladeeda Sweden

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GOTHENBURG, Sweden- Shirkadda Xawilaadda ee AMAL Express ayaa dalka Sweden ayaa tababar ku saabsan habka loo diro lacagaha iyo suuq-geynta ugu qabatey magaalada Gothenburg Wakiilladeeda ku sugan waddankaas.

Waxaana tababarkan bixinayay khuburo iyo aqoonyahano ku xeel dheer Sharciyadda, suuq geynta iyo maamulwanaaga.

Ujeedada aqoon is-weydaarsigan, ayaa ahaa in khibrad loogu yeesho habka lacag dirista saxda ah, keydinta siraha, xogaha iyo fahamka sir xajinta.

Waxyaalaha ugu muhiimsan oo intii uu tababarkan socdey oo ahyed muddo 2 maalmood ah looga faa’iideystey waxaa ka mid ahaa; sharciyadda cusub ee sanadkii 2017 soo baxey oo ay ugu muhiimsan tahay lacagta caddaanka ah ee hal mar hal qof loo diri karo inta ay tahay.

Tababarkan ayaa waxaa sidoo kale looga faa’iideystay habka suuq-geynta iyo qancinta macaamiisha Xawaaladda AMAL EXPERESS si macaamiisheeda ay iminka heysato ay ugu sii nagaadaan kuwo cusubna ay ugu soo biiraan.

Macallimiintii tababarka bixinaysay ayaa sidoo kale Wakiilladda ugu baaqay inay ku dhaqmaan casharada la siiyay oo ay ku dabaqaan howlaha shirkadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM