Xiisadda Mareykanka iyo Venezuela oo cirka isku shareertay

Image

WASHINGTON - Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku amartay shaqaalaheeda aan muhiimka ahayn inay kasoo baxaan dalka Venezuela, hase yeeshee ma xireyso safaaradeeda magaalada Caracas, sida ay sheegtay.

Madaxweynaha lagu muransan yahay ee Venezuela, Nicolas Maduro ayaa arbacadii sheegay inuu xiriirka diblomaasi u jaray Mareykanka, isaga oo ka jawaabaya dhawaqa madxweynaha Trump ee ahaa in madaxweynaha Golaha Qaranka Juan Guaido uu u aqoonsan yahay inuu yahay hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Venezuela

Maduro ayaa ku amray diblomaasiyiinta Mareykanka inay 72 saac gudahood uga baxaan dalka. Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Maduro uusan hadda lahayn awood uu sidaas ku sameeyo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay inay shaqaalaha aan muhiimka ahayn usoo saareyo sababo amni, islamarkaana muwaadiniinta kale ee Mareykanka ay si xooggan uga fakaraan inay dalkaas ka tagaan.

Muranka caalamiga ah ee ka taagan hoggaanka Venezuela ayaa sii qota dheeraaday khamiistii kadib markii Shiinaha iyo Ruushka ay taageero u muujiyeen dowladda Maduro.

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM