Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Image
Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

San’aa (GO) - Culimaa’udiin kala geddisan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Caalimkii Yemen Sheekh Cabdul Majiid Al-Zindaani oo maanta oo Isniin ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Istanbul, isagoo 82 jir ah.

Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed bin Cabdul Majiid Al-Zindaani, ayaa qoraal uu soo dhigay X waxa ku yiri, “Inna Lillaahi Wa Inna ilayhi rajicuun”

Qoraalada tacsida xambaarsan ayaa isa soo tarayay saacadihii la soo dhaafay iyada oo ay Culimo, siyaasiyiin, iyo bahda saxaafadda soo saareen qurmooyin ku aadan geeridii ku timid Sheekh Al-Zindaani oo ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

Waxaa xusid mudan in Al-Zindani uu ku dhawaaqay 2005-tii in uu soo saaray dawada AIDS-ka, balse ma uusan shaacin illaa uu maanta geeriyooday.

Al-Zindani oo dhashay sanadkii 1942 ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah Culumada ugu caansan Yemen wuxuuna ka aasaasay Jaamacadda Al-Iman iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Mucjisooyinka Sayniska ee Quraanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM