Xiisadda xadka ee Shiinaha iyo India oo oo galaaftay nolosha 20 askari

Image

WASHINGTON, US - Xiisad aad u kacsan ayaa ka jirta xadka u dhaxeeya dalalka China iyo India, kaddib markii ay ciidamada ilaalada xadka labada dhinac uu dagaal culus dhexmaray.

India waxay sheegtay in dagaalkaasi ay uga dhibteen ugu yaraan 20 askari, halka dowladda China aysa wali xaqiiin wax khasaara ah oo ciidankiisa soo gaaray.

India iyo China ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

India iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sano.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday India inaysan qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato.

Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ku sugan Beijing ayaa sheegay in xadgudub weyn lagu sameeyey heshiiskii labada dal, markii ciidamada India “ay daan-daansadeen soons weerareen".

GO + VOA

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM