Xildhibaanad sheegtay in uu kufsaday sarkaal ka tirsan ciidanka cirka

Image

NEW YORK, US – Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa u sheegtay saaxiibadeeda in la isku furay uuna kufsaday sarkaal sare intii ay kamid ahayd ciidanka cirka.

Senator Martha McSally, haweeneydii ugu horeysay ee Ameericaan ah taasoo duulisa diyaarad dagaal ayaa hadalkaan ka sheegtay madal looga hadlay tacadiyada loo geysto dumarka milariga kamid ah.

Xildhibaanadaan laga soo doorto gobolka Arizona ee kamid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa qiratay in dambigaasi lagula kacay aysan ku wargelin booliska, sababo ku aadan xishood iyo foos wareer.

Dhacdooyinka ku saabsan kufsiga ka dhaca milatariga Mareykanka ayaa 10% kor uga kacay sanadkii 2017-kii, sida laga soo xigtay warbixin.

Ms McSally ayaa Arbacadii u sheegtay Guddi hoosaadka ciidamada: "Aniga waxaan aamusnaa sanado badan.

Ms McSally ayaa wadar ahaan kamid ahayd ciidamada cirka Mareykanka muddo 26-sano ah, iyada oo gaartay darajada Korneyl kahor inta aysan ka fadhiisan 2010.

"Balse, dhamaadka xirfadeyda, xili milatarigu fadeexad lugaha la galay, waxaan dareemay in qaar kamid ah bulshadu ogaatay, waana badbaaday," ayay raacisay.

Labo sano ayaa loo doortay Gollaha Wakiilada Mareykanka kahor inta aysan sanadkii hore kusoo bixin kursiga Aqalka Sare.

"Waxaan ka cab-saday marar badan oo aan isku dayey in aan la wadaago dadwaynaha..waayo aragnimadeyda ayaa i qabatay," ayay daba dhigtay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ms McSally ay ka hadasho in ay ka badbaaday xadgudub jinsi oo lagula kacay.

"18-kii sano u dambeeyay ee aan ku jiray ciidamada waan uga soocmay niyad-jab…Sida dhibanayaal kale, waxaan dareemay in nidaamka kufsiga uu dhamaanayo," ayay ku catowday.

Sanadkii hore, intii ay ku jirtay tartanka kamid noqoshada Senate-ka, waxay u sheegtay Wall Street Journal in mudadii ay ahayd tababare koox ciyaal iskuul ah lagu cadaadiyay galmo markaasoo ay ahayd 17-sano jir.

Senator Kristen Gillibrand oo laga soo doorto magaaladda New York, kana mid ah mas'uuliyiinta sare ee xisbiga dimoqraadiga ayaa xustay in dareen ahaan ay saameysay su’aalo waydiinta saaxiibadeed.

Bishii Janaayo, Joni Ernst, mudane kale oo haweeney ah, ayaa cod dheer ku shaacisay in uu fara-xumeeyay wiil ay saaxiibo ahaayeen.

Ernst, oo kamid ahayd ciidamada dagaalka dhulka ah, ayaa u sheegtay Bloomberg in aanu ku wargelin dhibtaasi loo geystay Booliska.

Kiisaska la xiriira kufsiga ayaa aad ugu soo badanaya guud ahaan caalamka sanadihii u dambeeyay, iyada ay socdaal ol'olale xoogan oo loogu jiro sidii loo daba jari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM