Xildhibaano sheegay in TikTok uu khatar ku yahay Amniga Qaranka

Image

WASHINGTON, US – Laba kamid ah xubnaha Aqalka Sarre ayaa shaaciyey in muuqaalada gooban ee lasoo dhigo barta TikTok oo ay leedahay shirkadaha reer China ah uu khatar ku yahay amniga qaranka Mareykanka.

Chuck Schumer, oo laga soo doorto New York ahna hogaamiyaha diqmoraadiga laga tirada badan yahay, iyo Tom Cotton oo Jamhuuriga ku metela Arkansas, ayaa warqadda ka dhan ah shirkada u qoray Hay'adda Sirdoonka.

Sidda ku xusan qoraalkooda, waxay waydiisanayaan iyo dib u eegis in ay qiimeyn ku sameeyaan in TikTok iyo shirkadaha kale ee China ay khatar amni wadaan.

TikTok oo ah aalad ay dadku soo dhigaan muuqaalo gaaban oo shaqsiyadooda ku saabsan ayaa waxaa iska leh shirkadda ByteDance.

Warqadda ayay ku xuseen in shirkadda ay ka caawiso sirdoonka Shiinaha in ay u basaasaan mukhaabaraadka China.

Afhayeen u hadlay ByteDance oo meesha ka saarey eedeymahaas ayaa ku nuux-nuux saday in warqadda laga gudbiyey ay siyaasadeysan tahay.

Sidda laga soo xigtay warqadda "maadaama ay 110 milyan ay kaliya gudaha Mareykanka ka degsadeen, TikTok waa khatar aan laysla indho tiri karin oo ku wajahan amniga qaranka Mareykanka".

Hase ahaayee, afhayeenka shirkadda ayaa wuxuu wacad ku maray in ay ka go’an tahay in ay daacad u noqdaan muwaadiniinta Mareykanka ayna ilaaliyaan xogtooda.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan dhanka ganacsiga ah, taas oo saameyn daran ku yeelatay qaar kamid ah shirkadaha labadda dal gaar ahaan kuwa gacansaarka la leh mas'uuliyiinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM