​Xisbiga Jamhuuriga oo murashaxooda u doortay Trump

Image

WASHINGTON- Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa murashaxooda rasmiga ah u doortay ganacsadaha maalqabeenka ah ee Donal Trump, waxaana lagu doortay shirweynaha xisbigaasi oo ka socda magaalada Cleveland  ee gobolka Ohio.

Trump ayaa helay codad gaaraya 1,237 codadkii habeenkii Talaadada ay dhiibteen Ergooyinkii laga soo xulay gobollada dalkaasi, wuxuuna islamarkiiba shaaciyay guushiisa isagoo kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Donald, ayaa sheegay inuusan niyad jabin doonin taageerayaashiisa ee uu gali doon shaqo iyo dadaal adag inta uu kaga guulaysanayo gursiga hadda uu ku fadhiyo madaxweyne Brack Obama.

Ninkan ayaa si aad ah uga soo horjeeda sharciyadda madaxweynaha talada haya, isagoo dhaliila siyaasadaha ku aadan muhaajiriinta iyo dadka muslimka ah.

Hadal uu u jeediyay taageerayaashiisa murashaxan, wuxuu ku sheegay inuu aad uga maqsuudsanyahay in la calmado isagoo yiri "Waa wax aanan iloobi doonin waligeey, dhammaanteen waxaan gaarnay maxsuul taariikhi ah, waxaana helnay codadkii ugu baadnaa abid xisbiga Jamhuuriga.. Hada waxaan wadnaa olol laakiin dhammaanteen waa inaan guusha raadinaa".

Goobta shirka xisbigaasi ka dhacayay, waxaa hareeyay ilaa saddex maalin oo uu socday dibad-baxyo ay dhigayeen dad kasoo horjeeda in ninkan uu noqdo murashax xibsigaasi.

Qaar kamid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Maraykanka ayaa sheegaya inuusan ninkan kasoo bixi karin midaynta xisbiga Jamhuuriga oo aad uga kala qaybsan doorashada ninka.

Guusha uu gaaray ninka tan iyo markii uu murashaxa noqday saamaynta ballaaran ku yeeshay caalamka ayaa la tartami doona hadba qofka kasoo baxay xisbiga Dimuqraadiga oo la filayo inay dooran doonaan Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda waddankaas Hillary Clinton.

Cidda guulaysata labada murashax ee kasoo baxaya xisbiyadaasi ayaa badali doona madaxweynaha hadda talayada haya 8 November, 2016 xilligaas oo ay ku egtahay waqtigiisa.

Obama, ayaa sannadkan isa soo sharaxin sabab la xiriirta dastuurka dalkaas oo dhigaya in ruux labo jeer la doorto uusan u tartami karin doorashada dalka Maraykanka.

Olalaha murashaxiinta ayaa iminka kasocda gobollada kala duwan ee dalka U S A.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM