Xujeyda oo ku qulqulaya Makah iyo ammaanka oo la adkeeyey

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka guud ee dalka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Makah, xilli ay boqollaal kun oo qof oo xujey ahi dalkaas gaareen dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey.

Wasiirka Arimaha Gudaha Sucuudiga Amir Muxamad Nayif ayaa shegay in dowladda Sucuudiga ay ka go'an tahay sugidda ammaanka xujeyda si ay waajibaadka xajka si nabad ah ugu gutaan.

Ilaa iyo hadda waxaa magaalada Makah soo gaarey 1.37 milyan oo qof oo xujeyah, dadkaas oo ka kala yimid dhammaan daafaha dunida.

Sanadkan iyo kii horeba Dowladda Sucuudigu waxay hoos u dhigtay %50 tirada dadka kasoo xajinaya gudaha Sucuudiga iyo weliba %20 tirada tirada xujeyda ka imaanaya caalamka.

Dhimista tirada xujeyda waxaa loo sababeeyey ballaarin iyo dib u habayn lagu wado qaybo kamid ah xaramka, si looga baaqsado ciriir badan oo horay u jirey mararka qaarna sababi jirey in dadku is buurtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM