Xujeyda oo ku qulqulaya Makah iyo ammaanka oo la adkeeyey

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka guud ee dalka Sucuudiga gaar ahaan magaalada Makah, xilli ay boqollaal kun oo qof oo xujey ahi dalkaas gaareen dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey.

Wasiirka Arimaha Gudaha Sucuudiga Amir Muxamad Nayif ayaa shegay in dowladda Sucuudiga ay ka go'an tahay sugidda ammaanka xujeyda si ay waajibaadka xajka si nabad ah ugu gutaan.

Ilaa iyo hadda waxaa magaalada Makah soo gaarey 1.37 milyan oo qof oo xujeyah, dadkaas oo ka kala yimid dhammaan daafaha dunida.

Sanadkan iyo kii horeba Dowladda Sucuudigu waxay hoos u dhigtay %50 tirada dadka kasoo xajinaya gudaha Sucuudiga iyo weliba %20 tirada tirada xujeyda ka imaanaya caalamka.

Dhimista tirada xujeyda waxaa loo sababeeyey ballaarin iyo dib u habayn lagu wado qaybo kamid ah xaramka, si looga baaqsado ciriir badan oo horay u jirey mararka qaarna sababi jirey in dadku is buurtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Iiraan waxay u baryaysaa heshiis, waxaana miiska saaran inaan la wareegno saliidooda"

Trump ayaa ku faanay in hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Iiraan ay u socdaan si ka dhaqso badan sidii la filayay.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 06:07PM

Israa'iil oo dishay Taliyihii Ciidamada Badda Iiraan xilli khasaaruhu sii kordhayo

In kasta oo bartilmaameedyadu u muuqdaan kuwo military, haddana khasaaraha dadka rayidka ah ayaa ah mid aad u baaxad weyn.

  • Caalamka

    26-03-2026

  • 04:18PM