Xuutiyiinta oo kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudiga - Falaagada reer Yemen ee ay Iiraan taakuleyso ee Xuutiyiinta ayaa weeraray madaarka Abha maanta oo Arbaco, halkaasoo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 26 ruux, sidda uu sheegay Isbaheysiga Carbeed.

Korneyl Turki Al Malki, afhayeen u hadlay xulufada ayuu wargeyska The National kasoo xigtay in Gantaalada ay ku dhaceen qaybta hoolka ee garoonka, oo ay ku sugnaayeen kumanaan kun oo rayid ah.

Wakaaladda wararka u faafisa Sacuudiga oo xaqiijisay warkani ayaa ku sifeysay "dagaal dambiyadeed ay ka dambeyso Falaagadda". Garoonka la beegsaday 125 milye u jiray sohdinta Sacuudiga iyo Yemen.

"Weerarka lagu qaadey garoonka wuxuu caddeyn u yahay Falaagadu haysato hubka ay farsameysay Iiraan taasii sii wada argagixisada," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka, sidda uu sheegay Joornaalka.

Weerarka ayaa waxa uu dhacay labadii subaxnimo waqtiga Sacuudiga, sidda uu xusay Korneylka, oo intaasi raaciyey in dadka waxyeeladu soo gaartay ay kasoo kala jeedan wadamo kala duwan ayna u badan yihiin haween.

"Sideed kamida dadka dhaawacmay waxaa loo qaadey Isbitaal, halka 18-ka kale ay qabaan dhaawacyo sahlan," ayuu ku warmay jaraa’idka oo soo xiganay afhayeenka u hadlay Isbaheysiga Carbeed.

Warbaahinta Xuutiyiinta oo sheegtay weerarka ayaa waxaa laga sii daayey muuqaal-baahiyaha afkooda ku hadlaya in ay adeegsadeen Gantaalada nooca ridada dheer ee dalalka isaga kala gudba.

Duqeymahan oo mudooyinkii dambe ay joogteeyeen Xuutiyiinta Yemen ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo xiisada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan ay cirka isku sii shareereyso aysana muuqan isu soo dhowaanshiyo.

Laba bilood kahor ayay ahayd markii ay Falaagada weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku beegsatay goobaha Shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga, wallow aysan waxyeelo geysan.

Riyadh ayaa falkaasi dusha ka saartay Iiraan, balse xukuumadd Tehran waxat ganafka ku dhufatay eedeymahaasi.

Sidoo kale, weerarka isa soo tararaya ee Xuutiyiinta ayaa imaanaya xili xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ay sii kululaaneyso.

Sikastaba ha ahaatee, garoonka haatan la beegsaday ayaa waxaa si toos ah uu ugu xiran yahay magaalooyinka Dubai iyo Sharjah ee Imaaraadka si lamid ah goobo kale oo ku yaala Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM