Yurub: Qaarada uu Covid-19 ku laayey Soomaalida ugu badan

Image

LONDON, UK – Iyaddoo dunida ay aad ugu dedaaleyso ciribtirka colka qarsoon ee Coronavirus, kaasoo dadka u laynaya si safmar ah hadii aysan muujin feejignaan dheeraad ah, Soomaalida ayaa waxay ku jiraan umadda uu aafeeyay.

Qaaradda Yurub waa meesha uu dhimashada ugu badan ka geystay, taas waxay dhalisay su'aalo ka doodistooda ay waqti badan qaadaneyso.

Dalalka kala ah; Sweden iyo Ingiriiska ayaa hogaaminaya wadamada uu si ba'an ugu gumaadey Soomaalida, wallow ay jiraan dalal kale.

Sidda ay muujineyso xog-uruurintii ugu dambeysay, kaliya waddanka Sweden waxay geerida ka badan 15-ruux oo isugu jira rag iyo dumar.

Yuusuf Tooxow, oo ka tirsan baarlamaanka Sweden lagana soo doorto magaalada Totobori, ayaa sheegay in ay jiraan tirro kale oo isbitaalada u yaala.

Wallow caasimadda Stockholm ay tahay meesha ay geerida ugu badan ka dhacday, degaanada kale waxaa ka jira kiisas kale.

Mas'uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida ee Ingiriiska ayaa dhankooda xaqiijiyey dhimashadda ku dhowaad tobban oo u badan dad da' ahaa.

Cabdiqaadir Maxamed Biriq, ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed isla markaana ahaa falanqeeye arrimaha kubadda cagta ah, ayaa kamid ah dadka magacyaddooda la helay ee u geeriyooday caabuqaas.

Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa kamid ah shaqsiyaadka isbitaalada UK u jiifa fayruskaas.

Norway ayaa Jimcadii xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah uu u geeriyooday fayruskaas kasoo bilowday bartamaha Shiinaha.

Marka laga reebo Masar oo laga soo wariyey hal qof oo Soomaali ah kaasoo ka yimid Mareyanka, qaaradaha illaa iyo haatan lagama soo warin wax dhimasho ah.

Khuburada caafimaadka ayaa rumeysan in sababta badisay dhimashada Soomaalida ay tahay in aysan u hogaan-samin amarada dowladaha wadamada ay joogaan oo ay kamid tahay kala fogaanta iyo joojinta socodka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay mar sii horeysay ku waanisay muwaadiniinteeda ku nool wadamada caalamka in ay raacaan talooyinka caafimaad ee loo jeediyo iyo go'aanada lasoo saaro.

Guud ahaan caalamka, xanuunka Covid—19 ayaa dilay in ka badan 30-kun oo qof, sidda ku xusan xogtii ugu dambeeyay, oo daaha ka rogay in kiisaska ay ka badan yihiin lix boqol oo kun, wallow ay hooseyso dadka ka bogsanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM