Cagjar oo rajeynaya in Af Soomaaliga uu noqdo luqada shaqada ee Itoobiya

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Madaxweynaha Kalinka Shanaad, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada waxa uu kusoo qaadey arrimo kala duwan degaanka iyo federaalka ah.

Mr Cagjar oo xafiiska yimid isbedelka gobolka ka dhacay ayaa si dadban waxa uu u duray xisbiga Tigreyga, kuwaasi oo lagu eedeeyo in ay "si qaldan" u dhigaan nidaamka federaalka ee dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

"Waan taageerayaa federaalkan balse sababo jira, ma aaminsani sida dad badan ay si qaldan ugu turjumayaan aragtideyda. Fekerkeyga waa in Itoobiya ay baaqi kusii ahaato federaalka isku dhafka ah," ayuu yiri.

Itoobiya oo ah waddan ka kooban dhowr qowmiyadooda kuwaasi oo mararka qaarkood isku dhacyo dhexdooda ah sameeya ayaa federaalka ugu dhaqma si ka duwan sida wadamada ay Soomaaliya kamid tahay.

Isaga oo u muuqda mid afka furanaya, Mustafa ayaa wuxuu tibaaxay "dadka qaarkii ee ku xadgudbaya nidaamka isku dhafka federaalka Itoobiya ayaa haatan metelaya in ay badbaadinayaan".

Doorashooyinka degaanka

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagu wadaa in ay doorasho ka qabsoonto sanadka 2020-ka, balse Mustafa wuxuu abuuray shaki maadaama uu ka dhawaajiyey in mas'uuliyiinta aysan wali go’aan gaarin.

"Shaqsi ahaan waan aaminsanahay in ay wanaagsan tahay qabsoomida doorasho, balse xisbi ahaan iyo dowladeena gobolka wali ma gaarin wax go’aano ah," ayuu ku daray, isaga oo wareysiga ku bixinaya luqada Amxaariga.

Jabhadda ONLF oo xisbi siyaasadeed ku dhawaaqday ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay ka qeybgalka coddeynta, waxayna dhowaan ka digtay in dib-u-dhac ku yimaadda doorashadaasi.

Cagjar oo soo xiganaya xog-uruurin la sameeyay ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in natiijada qiimeyntaasi ay muujineyso in xisbigiisa talada haya "lagu shabadeeyay" in uu kusoo bixi doono hadii doorasho la qabto.

Af Soomaaliga

Qowmiyadaha Itoobiya ka jira ayaa mid kasta wuxuu leeyahay luqad gaar ah balse tan guud ee la isugu yimaado ayaa ah Af Amxaariga, balse maamulka degaanada Soomaalida waxay leeyihiin himilo fog.

Mustafa Cagjar oo soo bandhigay yoolkaasi ayaa sheegay in uusan dooneyn in soo jeedintooda ay noqoto dood siyaasadeed oo ay ku gorgor-tamaan, wallow uu adkeyay in ay gudbin doonan dalabkaasi.

"Waxaan rajeynayaa in aan arki doono Af Soomaaliga uu noqda luqada shaqada ee federaalka, balse ma doonayo in aan ka dhigo qadiyad doodeed," ayuu xusay, isaga oo u muuqda mid ka fogaan xiisad.

Qowmiyada Soomaalida ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta dadka ugu badan ee ku nool Itoobiya waana 6.7%; Oromada oo koowaad ah waa 34%; Amxaaradda oo labaad ah waxay ka yihiin 27%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM