Dad badan oo ku naf-waayey shil diyaaradeed oo ka dhacay Colombia

Image
Image
Image
Image

BOGOTA, Colombia – Diyaarad yar oo ku burburtay koonfur-bari waddanka Colombia ayaa waxaa ku dhintay todoba ruux, xili ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Shilka oo Axada maanta ah dhacay ayaa waxa uu yimid daqiiqado kadib markii ay duushay diyaaradda oo ay lahayd shirkad maxali ah.

Diyaarada oo ka duushay Popayan, magaalo ay degan yihiin 270,000 ruux kuna hareereysan buura ayaa kusii jeeday Lopez de Micay.

Ma cadda sabab ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradda, balse shirkadda iska leh ee Transpacifico ayaa shaacisay in ay baareyso.

Duqa magaaladda, Cesar Gomez, ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in mid kamid ah bukaanada la daaweynayo uu yahay cunug yar.

"Dab ka kacay diyaaradda markii ay soo dhacday ayaan ku guuleysanay in aan damino," ayuu raaciyey, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Sawirro laga soo qaadey dhacdadan oo baraha bulshadda lagu baahiyey ayaa muujiyey diyaaradda ay ku dul-dhacdey saqafka guri, taasi oo burbur baaxad leh keentay.

Gomez, oo meesha kormeeray kadibna hadlay, ayaa tibaaxay in ay ka shaqeynayaa sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen qoysaska hoygooda ku burburay shilkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM