Gobolka Soomaalida oo feejigan kadib afgembigii fashilmay ee Amxaarada

Image

JIGJIGA, Ethiopia – Laamaha ammaanka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa lagu waramayaa in la geliyay heegan sare kadib afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Amxaarada.

Kadib falkaasi, mas'uuliyiinta degaanka ayaa la sheegayaa in ay yeesheen kulamo is-dabajoog ah kuwaasi oo looga xaajoodey arrimo ay kamid yihiin adkeynta nabad-gelyadda gobolka si gaar ah caasimada.

Xoogaga dowlada ayaa lasoo warinayaa ay magaalooyin ay Jigjiga kamid tahay ay bilaabeen howlgalo lagu sugayo amniga, iyaga oo baaraya gaadiidka rakaabka isla markaana waydiinaya su'aallo.

BBC-da ayaa ku warameysa in saraakiisha ay ka cabsi qabaan in kooxo xiriir la leh kuwii fuliyey inqilaabkii fashilmay ay kusoo dhuumaaleystaan gobolka "maadaama ay noqon karo shabakad isku xiran".

Feejignaanta dheeraad ah ayuu is-maamulka Soomaalida kala mid yahay gobolada kale ee Itoobiya, si gaar ah Tigreyga iyo Amxaarada oo lagu tilmaamay xudunta qalalaasihii galaaftey mas'uuliyiin muhiim ah.

Madaxweynihii Amxaarada, lataliyihiisa iyo xeer-ilaalihii ayaa ku geeriyooday shaqaaqadiisa oo la sheegay in la toogtay maskaxdii ka dambeysay oo ahaa sarkaal sare oo ciidamada milatariga ka tirsan.

Taliyihii ciidamada milatariga iyo Jenaraal kale oo howlgab ahaa ayaa sidoo kale kamid ah dhibaneyaasha afgembigaasi maadaama iyaga oo isku deyay baajinta inqilaabka lagu toogtay Addis Ababa, xarunta Itoobiya.

Guud ahaan madaxdii ku dhimatay dhacdadaasi oo baroor-diiq loo sameeyay isla markaana calanka hoos loogu digay ayaa la filayaa in aas qaran loo sameeyay isla markaan la duugo saacadaha soo aadan.

Xukuumada Addis Ababa oo sheegtay in ay dishay hogaamiyihii howlgalkaasi guuldareystay ayaa tilmaamtay in ay ku raad-joogto shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

Gobolka Soomaalida ayaa dhanka waqooyi waxaa uu xuduud la leeyahay degaanada Canfarta iyo Oromada ee Itoobiya si lamid ah wadamadda Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM