Goobta "lagu hayo" dakhaatiir ay Al-Shabaab qafaalatay oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Bishii April ayay ahayd markii laba dhakhtar oo u dhalatay waddanka Cuba laga afduubtay magaaladda Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Falka lagu kaxeystay Assel Herera Corea, oo qaliinka guud qaabilsan, iyo Landy Rodriguez, oo qaliinka ah, ayaa waxaa lagu dilay hal askari oo ilaalo u ahaa.

Dableyda oo Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa horey u watay gaari lagu waday howladeenada caafimaad oo aanan wax dhibaato la gaarsiin.

Ciidamadda ammaanka ayaa sheegay in ay ku raad-joogan kooxaha hubeysan ee ficilka sameeyay, kuwaasi oo dhanka Soomaaliya u soo baxsaday.

Taliska Booliska oo xaqiijiyey in ay ka waayeen dhamaan degaanada xuduudka ku hareereysan ayaa shaaca ka qaaday in baadigoobkooda uu gabagabo yahay.

Hasa ahaatee, ciidamada milatariga ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la tibaaxayaan in dhankooda bilaabeen olale ay ku raadinayaan xubnahaasi.

Warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganeysa illo dhanka sirdoonka ah ayaa xuseysa in dhakhaatiirta lagu arkay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in dakhaatiirta markii hore la geeyay tuuladda Halaanqo, balse kolkii dambe laga soo wareejiyay.

Ceel Cadde, waa halkii Kenya looga laayey boqolaal askari kadib duulaan ay Al-Shabaab kusoo qaadey saldhig ay xoogaga wadankaasi ku lahaayeen.

Taliska Bileyska ayaa wuxuu intaasi raaciyey in dhakhaatiirta ay weli nool yihiin, balse aysan ogeyn goorta ay xorriyadooda dib u geli doonan.

"Dedaalo ayaa socda. Balse, ma garan karno goorta aan soo furaneyno," ayuu yiri Jeremiah ole Kosiom, taliyaha booliska Mandheera oo shaaciyey in dad loosoo qabtay dhacdadan.

Fahfaahinta haatan soo baxday ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo ay Al-Shabaab horey u dalbatay 1.5 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah taasoo madax furasho balse ay ka biyo diiday dowladda Kenya.

Dowladda Cuba ayaa mar sii horeysay dhigeeda Soomaaliya ka codsatay in ay kala shaqeyso soo furashada dhakhaatiirta xili Nairobi meesha ka saartay in ay la xaajooneyso Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay dilka 80 Al-Shabaab ah

Howlgallada ayaa lagu waramay in ciidamada Soomaaliya ay sameeyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Wararka

    27-12-2023

  • 03:35AM