Kenya oo dib u furtay huteelka DusitD2 kadib weerarkii AlShabaab

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa Arbacada maanta ah dib furtay huteel nooca loo tamashlo tago ah kaasi oo ay Al-Shabaab weerar dhimasho badan geystay ku ekeysay bishii Janaayo ee sanadkan.

Dabley qoryaha daran-dooriga sitay oo gudasha u gashay iyo qaraxyo gaari oo dibadda huteelka DusitD2 ka dhacay ayaa galaaftay nolosha 21 qof oo isugu jira Kenyan iyo dadyow kale oo Ajaaniib ah.

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray haysashada dhismaha kadib hal maalin, iyaga oo khaarijiyey kooxaha hubeysan isla markaana soo badbaadiyey in ka badan 700 qof oo huteelka ku jiray.

Duulaankaasi ayaa yimid iyadda oo ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen gulufka ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Donald Trump.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi uu jawaab aqoonsiga uu Trump siiyay magaaladda barakeysan ee Quddus in ay tahay caasimadda Yahuuda, taasi oo Muslimiin badan ka careysiisay.

Sanadkii 2013-kii, weerar abaabulan oo ay Al-Shabaab ku qaadey dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall, ayayna ku dishay 67 ruux, wallow la dhaliilay qaabka ay uga fal-celiyeen marka loo eego kii DusitD2.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay Shabaab ka fuliso Kenya wuxuu ahaa kii ay ku qaaday Jamaacadda Garissa, sanadkii 2015-kii, kaasi oo ay ku naf-waayeen 147 u badnaa arday ayna ku dhaawacmeen tirro kale.

Dalxiiska – isha ugu muhiimsan dakhliga Kenya, ayaa dharbaaxo la kulmay markii ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay dalkaasi ka fulineyso tan iyo markii ciidamada wadankaasi ay soo galeen Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Dalxiiska ayaa waxay qayb ka ahaayeen munaasabadda dib loogu fur huteelka caanka ah ee DusitD2.

"Waxaan taageero iyo jaceyl ka helnay dadka reer Kenya intii lagu guda jira xaaladan," ayaa maamulka huteelkan uu soo dhigay barta Twitter-ka bilooyin kadib markii dib u dayactir lagu sameeyay dhismaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Ceel-waaq-Kenya

Qaraxa ayaa lala beegsaday shaqaale sugayay fursado shaqo subaxnimadii hore ee Isniinta.

  • Wararka

    30-04-2024

  • 04:29AM

Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

  • Wararka

    28-04-2024

  • 04:13AM