Kenya oo xirtay Xildhibaan u cagajugleeyay ganacsatada ajaaniibta

Image

NAIROBI, Kenya – Xildhibaan Kenyan ah ayaa maanta oo Khamiis ah xabsi la dhigay kadib markii uu sheegay in uu garaaci doono ganacsatada ajaaniibta ah hadii aysan ka bixin dalkaasi.

Charles Njagua Kanyi ayaa muuqaal laga soo duubay ku sheegay in baayac-mushtarleyda u dhalatay Tanzania iyo Uganda ay suuqa ku cariirinayaan ganacstaada wadaniga ah.

Kadib hadaladaasi, xiisad diblumaasiyadeed ayaa qaraxday, waxaana ra'iisul wasaaraha Tanzania uu u yeeray wakiilka sare ee Kenya si uu hadalkaasi uga bixiyo sharaxaad dheeraad ah.

Kenya oo laf-dhabar u tahay dhaqaalaha Bariga qaaraddamAfrika ayaa soo jiidatay ganacsato badan oo gobolka ku nool halkaasi oo ay dhaqaalo ka sameeyaan.

Dowladda Kenya ayaa waxay si adag u cambaareysay hadalada kasoo yeeray Kanyi oo ay ku tilmaamtay in ay ku dheehnaayeen "naceyb iyo kuwa kala qoqob abuuraya".

"Marka aad eego suuqeena, Tanzaaniyaanka iyo Yugaadheeska, ayaa waxay la wareegeen ganacsigeena, intaasi ayaan nagu filan, hadii aysan muddo 24-saac gudahooda ah uga bixin dalkeena, waan garaaci doonaa, ma jirto cid aan ka baqeyno," ayuu yiri mudanaha isaga oo fagaaro jooga.

Macada talaaabda xigta ee ay dowladdu qaadeyso, balse sharciga Kenya ayaa dhigaya in qofka lasoo xiro muddo 24-saac gudahooda ah in maxkamad lagu soo taago, dacwadna lagu qaado.

Sharcidejiyeyahaan ka tirsan xisbiga talada haya ee uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta, kaasi oo sidoo kale ah Heesaa, ayaa waxaa hadaladaasi waxay gudaha Kenya ay ka buureen dood aad loo falanqeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM