Mareykanka oo xiray Soomaali "rabay in uu isku qarxiyo Aqalka Cad"

Image

WASHINTONG, US – Dacwad oogeyaasha waddanka Mareykanka ayaa kiis culus waxay kusoo oogeen laba qaxooti ah oo kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Raggan ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Mahad Maxamed, oo 21-jir ah, iyo Cabdi Yeani Xuseen oo 20-sano jir ah.

Labadooda ayaa, ugu horeyn, waxaa si wadajir ah loogu eedeeyay in ay qorshey-nayeen u dhoofitaanka Masar si ay ugu biiraan xoogaga Daacish.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in dhalinyaraddan ay u sheegeen shaqaale daahsoon oo FBI-da ka tirsan in ay rabaan "in ay shahiidaan".

Wiilashan oo Jimcadii xabsi la dhigay kuna nool gobolka Arizona gaar ahaan magaaladda Tucson ayaa laga qabtay madaarka diyaaradaha iyaga oo doonaya in ay dhoofan.

Isniintii shalay ahayd oo gal-dacwadeedkooda loogu gudbiyey maxkamadda ayaa lagu xusay in Maxamed uu muujiyey xiisaha uu u qabo "in uu dad gowraco".

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale waxay daboolka ka qaadeen in Xuseen uu dhankiisa muujiyay rabitaankiisa in uu dilo dad ku nool gobolka Bariga Dhexe.

Tom Hartzell, qareenka Maxamed, ma uusan ka jawaabin dalab ku aadan in uu ka jawaabo eedeymaha loo haysto kal-yeentigiisa.

Brad Roach, garyaqaanka Xuseen, ayaa ku adkeystay in kal-yeentigiisa uu yahay mid "ceeb ka siliin ah" uuna u socday aqoon karorsi.

Idaacadda VOA-da ayaa ku waramaysa in Maxamed uu u sheegay shaqaalaha qarsoon ee FIB-da in laga tashkiiliyay baraha bulshadda.

"Dowladda Islaamka waxay u aqalantaa guul lamid ah tii 911. Jidaadkuna waa waxa ugu wanaagsan ee lagu soo tooso," ayuu Maxamed raaciyey.

Kulan ay bishii April la yeesheen shaqaalaha daahsoon ee FIB-da, Maxamed "wuxuu sheegay in jidaahdku yahay sheyga kaliya ee kufaarta lagu layn karo".

Sidda ku xusan dacwadda laga gudbiyey, kulan kale oo ay yeesheen bil kahor, waxa uu Maxamed ku sheegay in uu doonayey "in uu isku qarxiyo Aqalka Cad".

"Marka uu cago dhigto Jaziiradda Sinai ee Masar, wuxuu u han-qal-taagayey in uu arko gacmahiisa oo dhiig fara badan eh," ayaa lagu yiri dacwadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM