Midowga Yurub oo mas'uul cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Midowga Yurub ayaa Christopher Reynolds u soo magacaabey madaxa EUCAP Somalia. Ninkan oo u dhashay Ireland wuxuu bedelayaa Maria-Cristina Stepanescu oo reer Romania ah.

Reynolds ayaa kahor dalacsiintan lama filaanka ah wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa iyo taliyaha guud ee howlgalkaas. Stepanescu dhankiisa uu jagadaasi hayey tan iyo 1-da bishii September ee sanadkii 2016-kii.

Intii u dhaxeysay 2016-2017, Reynolds, wuxuu ahaa madaxa howlgaladda ee taliska. Kahor booskaasi, wuxuu ahaa taliyaha ciidamadda badda iyo ilaaladda xeebaha ee qarankiisa Irealand. Waana shaqsi waaya arag.

Waa maxay EUCAP Somalia?

Waajibaadka EUCAP Somalia ayaa ah in la adkeeyo fulinta sharciga madaniga ah ee baddaha, iyadda oo loo marayo taageero horumarinta sharciga, xoojinta cadaalad marsiinta dambiyada badda; bixinta qalab iyo tababar.

Howlgalkan ayaa talooyin xaga siyaasada ah oo qeyb ka ah taageerada EU-da iyo Beesha Caalamka wuxuu siiya Wasaaradda Amniga iyo Booliska.
Mudada howlgalkan ayaa wuxuu waqti xaadirkaan ku eg-yahay 31-da bisha December ee sanadka 2020-ka.

Miisaaniyadooda oo ku muddeysan 1-da Janaayo 2019 illaa iyo 31-da December 2020 ayaa gaareysa 66.1 oo lacagta Yurub, Doollar ahaana u dhiganta aduun lacageed dhan 73 milyan.

Xaruntiisa ugu weyn ee magaaladda Muqdisho. Balse, wuxuu faracyo ku leeyahay Garowe [Puntland] iyo Hargeysa Somaliland]. Shaqaalaha wadarta guud waa 11 oo 19 dal ka kala yimid. [92 caalami ah iyo 18 maxali ah].

EUCAP Somalia ayaa wuxuu qeyb ka yahay dedaaladda uu Midowga Yurub ku bixinayo sidii dowladnimadda Soomaaliya u soo kaban lahayd; ugana taageerayo dhinacyada amniga, siyaasadda iyo la dagaalanka burcad-badeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM