Milatariga Soomaaliya oo degaan muhiim ah "ka sifeeyay" Al-Shabaab

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya – Ciidamada Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland ayaa saacado Al-Shabaab ka qabsadey tuulada Koban oo dhacda waqoyga degaanka Sunguuni ee duleedka Kismaayo, maanta oo Isniin ah.

Illo wareedyo ayaa ku waramaya in hal dagaalame oo Al-Shabaab uu ku dhintay iska hor-imaad labada dhinac dhex-maray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wiil 12-jir ah uu ku dhaawacmey is-rasaaseynta kaasi oo haatan la daaweynayo.

Saraakiisha ammaanka ayaa laga soo xigtay iyaga oo ku eedeynaya kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida in ay toogashadaasi geysatay.

Taliska ciidamada Jubbaland ayaa intaasi ku daray in laba gaadiid oo ay Al-Shabaab lahayd ay kasoo kaxeysteen goobtaasi wallow aysan ka hadlin waxyeelada dhankooda soo gaaray.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin dagaalkaasi.

Dhankale, milatariga ayaa ku waramaya in ay qorsheynayaa in ay u ruqaan-sanayaan dhinaca degaanka Dhanaane iyo tuulooyin kale oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Sabtidii ayay ahayd markii, ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Danab ay la wareegeen degaanka Ceel-Saliin oo u dhaxeeya tuulooyinka K-50 iyo K-60 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM