"Muhiim ma ii ahan wax kale, waxaan u dagaalamayaa saddexdii wiil"

Image

OSLO, Norway – Hooyadan Soomaaliyeed oo "xanuun badan" dareemeysa ayaa xusul-duub adag waxay ugu jirtaa in ay dagaalanto "xaqeeda" ayna dib u soo ceshato caruureeda lagala wareegay.

Raxma Maxamed Maxamuud, oo dacwad racfaan ah furatay, ayaa waxaa dhowaan lagala wareegay saddex wiil oo ay dhahsay.

Bishii Febraayo 2019-ka ayay dowladda Norway ku amartay in ay ka baxdo dalka, ayna ka tagto caruurteeda. Soomaaliya waa halka lagu celinayo.

Balse gal-dacwadeedka ay ka furatay maxkamadda magaaladda Oslo ayay rajo aad u weyn ka qabtaa in uu "ALLE labinta dhankeeda soo marin doono".

Walwalka ugu badan ee haatan haya ayaa ah in hadii laga xukmiyo lagu celiyo Soomaaliya iyadda kaligeed, lagana reebo Ubadkeeda.

"Aduunka waa laba gelin, haddey iga raayaan ALLE ma ii sheegin, waxaan rajeynayaa in aniga iyo caruurteyda layga dejiyo Soomaaliya," ayay xustay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayay iyadda oo qiireysan ka codsatay in ku garab-siiso kiiskan dhageysigiisa ay bilaabatay.

"Wax kale muhiim ma ii ahan, waxaan u dagaalamayo waa 3-deydii wiil. Ilaahey in uu iigu guuleeyo ayaan rajeynayaa, aw-laadana gacanta midig ku heli doono".

Advocat Kristine Hone, qareenka difaacaya dooda Raxma, ayaa qalbiga u qaboojisay, inkasta oo ay carabka ku adkeysay in ay shaqo badan sugeyso.

"Inkasta oo kiisku adag yahay, waxaan rajeynayaa in aan u guuleysan doono," ayay Hone raacisay hadalkeeda mar ay warbaahinta la hadashay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo garab istaag u muujiyey Raxma iyo inta lamidka ah ayaa kalsooni ka muujiyey in dalkooda hooyo uu xasili doono.

"Aad ayey u xanuun badan in hooyo Soomaaliyeed oo xabadda kala soo carartay cunugeeda ay haddana ku weyso meel nabad ah," ayuu yiri Aweys Egale.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in qoysas Soomaaliyeed oo dalalka reer Galbeed ku nool in lagala wareegay caruurtooda, wallow sababaha ay ku kala duwan yihiin haddana waxaa lagu sheegaa in ay dayaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM