Nin gaari ku weeraray Masjid ku yaala Faransiiska oo la xiray

Image

PARIS, France – Gaari nooca raaxadda ah ayaa Sabtidii waxaa lagu weeraray Masjid ku yaala bariga magaaladda waddanka Faransiiska ka tirsan ee Colmar.

Baabuurka oo ku dul-burburay Masjidka Grand ayaa wuxuu sidoo kale sababay waxyeelo soo gaara ilinka koowaad iyo albaabka looga baxo ee laga galo Masaajidka.

Sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah, darawalka oo dhaawac uu kasoo gaarey Toorey qoorta looga dhuftay ayaa la xiray kahor inta aan Isbitaal la geyn.

Ma cadda hadii dhaawaca uu yahay mid uu isagu gacantiisa isugu geystay ama in uu shaqsi kale Mindi ku weeraray darawalka.

Sidoo kale, waxaa nan illaa iyo haatan wali la ogayn hadii dhacdadan ay tahay isku day weerar is-miidaamin ah oo fashilmay.

Booliska oo dhacdadan si kooban uga hadlay ayaa shaaca ka qaadey in ay baaritaano ku wadaan falkan hadalheynta dhaliyay.

Qaar kamid ah wadamada Yurub oo laga soo wariyey falal Islaam-naceyb ah ayaa waxaa qaarkood lagu beesgaday Masaajid ay Muslimiintu ku cibaadeystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM