Tobbanka qof ee ku eedeysan kiiska Caasha laba kamida waa walaalo

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u bilowday dhageysiga gar-maqalka kiiska Caasha Ilyaas Aadan, gabadhii 12-jirka ahayd ee dilka iyo kufsiga loogu geystay Galkacyo, bishii Febraayo ee sanadkaan 2019.

Tobban eedeysaneyaal oo ay da'dooda u dhaxeysa 40 illaa iyo 20 ayaa kasoo muuqday fadhiga maxkamada oo ay goobjoog ka ahaayeen dhinacyada ay dooda quseyso, ehelada marxuumka, mas'uuliyiin dowladeed iyo dadweyne aad u badan.

Xeer-ilaalinta oo qaybta koowad ee kulanka la siiyey ayaa soo bandhigtay dacwadaha loo haysto raggaan oo ay ku kala sheegtay; afduub, hanjabaad, dil, kufsi wadareed iyo dambiyo kale oo fadhiga soo aadan lasoo bandhig doono.

Dacwad oogayaasha ayaa shaqsiyaadka la tuhunsan yahay u kala qaybiyay laba qaybood; saddex ruux oo ay ku sheegeen in ay ku cadahay in ay dambiga galeen iyo todoba kale, kuwaasi oo baaritaano dheeraad ah loo baahday markii nacaamada laga qaadey aysan natiijo kasoo bixin.

Saddexda ruux ee la sheegay in la xaqiijiyey in ay falka sameeyeen oo laba kamid ah ay walaalo yihiin ayaa magacyadooda kala ah; C/fitaax C/raxmaan Warsame, 24-sano jr, walaalkiisa C/salaam, 32-sano jir iyo Cabdishakuur Maxamed Dige oo 46-sano jir ah.

"Raggaan waxay dil, kufsi iyo handadaad ay u geysteen gabar aan qaan-gaari, waxaana soo cadeeyay Sheybaarka dowlada Puntland markii dhacaanka laga qaadey," ayuu maxkamadda u sheegay Maxamed Xareed Faarax, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Puntland.

Mr Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday in todoba kale oo isla eedeymahaasi wajahaya aanan wali lagu caddeyn hadii ay falka foosha xun ay qayb ka ahaayeen, balse waxa uu daboolka ka qaaday in baaritaano ay ku socoto, maxkamadana ay go’aan ka gaareyso.

"Waanu arki doonaa waxa ay shareecada Islaamka ka qabto," ayuu ku jawaabay Maxamed Xareed isaga oo fadhiga kadib ugu waramay wariyeyaasha dibadda maxkamada.

Todoba rag oo midkood uu yahay 16-sano jir ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay sida hoos ku xusan;-

C/fitaax C/raxmaan Warsame, Ina Faadumo Cali, 24-sano.
Cabdishakuur Maxamed Dige, Ina Khadiijo Maxamd, 46-sano jir
C/salaam C/raxmaan Warsame, Ina Faadumo Cali, 32-sano
Axmed Maxamed Nuur, Ina Khadiijo Cali, 30-sano jir
Axmed C/raxmaan Maxamed, Ina Maryan Maxamuud, 24-sano jir
Farxaan C/siyaab, Ina Ruqiyo Cabdi, 28-sano jir
Farxaan Maxamed Axmed, 25-sano jir
C/nasiib Cali Cumar, 21-sano jir.
Maxamed Deeq Maxamed, Faadumo Xasan, 20-sano jir
Cabdullaahi Qorane Maxamed, Xaawo Shire, 16-sano jir

"Kiiskaan waxaa dhibane ka ah marxuumad Caasha Ilyaas Aadan, qosykeeda iyo dowladda Puntland," ayuu raaciyay Xeer-ilaaliye ku xigeenka, oo shaaciyay in dib loo dhigay kiiskaan markii qareenada eedeysanayaasha ay ku cudur-daarteen in aysan soo diyaar-garoobin.

Maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo aadan ayaa loo balamay in dib la isugu soo laabto dhageysiga kiiskaan, kaasi oo inta laga soo gabagabeynayo uu u furnaan doono shacabka iyo saxaafada, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida ay doodu tahay.

Kiiska Caasha Ilyaasi Aadan ayaa ah mid naadir ku ah garsoorka Puntland maadaama aanan horey loo horgeyn gal-dacwadeedyo isugu jira dil iyo kufsi, inkasta oo isha lagu hayo go’aanka laga qaato iyo fulintiisa.

MUUQAALKA FADHIGA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM