87 ruux ku dhaawacantay degmada Taleex [Dhagayso]

Image

GAROWE- Wararka soo gaaraya Garowe Online, ayaa sheegaya in roobab xooggan oo dabaylo wata saacadihii lasoo dhaafay ka da'een gobolka Sool gaar ahaan degmada Taleex iyo deegaanno hoos yimaada.

In kabadan 80 qof ayaa dhaawacmay, waxaan koomo ku jira ku dhawaad 20 ruux, iyadoo ay dumeen 200 iyo dheeraad dhismayaal.

Masiibadan ayaa dhacday, kadib roobab dabaylo wata oo degmada ka da'ay, waxaana bur-burka iyo dhaawaca gaystay biraha loo isticmaalo isgaarsiinta.

Goob jooge lagu magacaabo Macruuf Cabdi Ismaaciil oo ku sugan degmada Taleex gobolka Sool, ayaa Radio Garowe u sheegay in roob da'ayay saddex saac oo xiriir ah sababay khasaarahaasi, wuxuuna ka dayriyay xaaladda degmada isagoo carrabka ku dhuftay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen tira uu ku sheegay 500 dheeraad, balse wuxuu tibaaxay in dhaawac rasmi ah lagu sheegi karo 87 qof oo 20 kamid ah xaaladdoodu khatar tahay

"Roobab saddex saac oo xiriir ah nahayaym ayaa khasaaraha gaystay, waxaana dhulka la simay birihii isgaarsiinta, waxaana birihii shirkadda Telesom oo bartamaha magalada ku tallaay waxyeellaysay guryo badan, dadka waxa dhibaatada gaarsiiyay, waa baallayaal....Wixii dhulka ka taagnaa oo dhan ayaa dhaqaaqay,"Ayuur Macruuf.

Wuxuu sheegay inay xaaladdu adagtahay islamarkaana aysan awoodi karin la tacaalidda dadka waxyeelloobay, wuxuuna sheegay in goobihii caafimaadka ka midyihiin meelaha dumay.

Macruuf ayaa xusay inay u baahanyihiin gurmad dag ah gaar ahaan gaadiid lagu qaado dadka halista ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Puntland, balse Xildhibaan katirsan Barlamanka oo lagu magacaabo Cali Dhagacadde kana mid ah mudanayaasha gobolkaasi laga soo doorto ayaa Radio Garowe u sheegay in arrintaasi goor-dhaweyd dhacday, balse ka warhayaan mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda, wuxuuna xusay in loo diyaar garoobayo.

Wuxuu walaac kamuujiyay adeegsiga jidka degmadaasi loo marayo isagoo tilmaamay inay ka cabsi qabaan haddii la aado inay gudbi waayaan sababo la xiriira dhiiri ama biyo waddooyinka xiray. HALKAN KA DHAGAYSO

Roobabkan, ayaa kusoo beegmay xilli la saadaaliyay inay dalka Somalia ka dhici karaan duufaano, waxaana meelaha loo badinayay kamid ah gobollada u maraan wabiyadda Shabeelle iyo Jubba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM