Aaba Ilyaas: Boorsadeedii iskuulka ayaan xusuus ahaan u wataa

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Bishii lasoo dhaafay hadalheynta ugu badan ee dadka Soomaaliyeed waxay ahayd kufsi iyo dil gabar yar loogu geystay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Gabadha la fara-xumeeyay, Caasha Ilyaas Aadan, ayaa kiiskeeda waxaa haatan loo hayaa labo ruux, kuwaasi oo cadaalada wajahaya.

Aabaheed, Ilyaas, waxa uu rajo wanaagsan ka qabaa in cadaalad ay heli doonto gabdhiisa, isaga oo doonaya in maxanayaasha la toogto.

Inkasta oo uu shaki kaga jiray in shareecada Islaam-ka la marsiinayo kuwa la hayo, hadana kadib kulankii madaxwayne Deni, wuu isbedalay mowqifkiisa.

"Madaxwaynuhu wuxuu noo sheegay in la dilayo … hadii uu shaki idin kaga jira ayuu nagu yiri, ka saara niyadiina," ayuu ku daray.

– Xusuus –

Aaba Ilyaas ayaa intii uu ku sugnaa Garowe wuxuu la kulmay dadka u dooda arrimaha haweenka, kuwaasi oo kiiskaan si wayn u danaaya.

Mudadii uu joogay caasimada dowlada Puntland waxa uu kasoo muuqday warbaahinta isaga oo wata boorso uu sheegay in ay gabadhiisa iskuulka ku aadi jirtay.

"Waxaan dharkeyga ugu gurtay boorsada si aan ugu xasuusto mar walba … ALLE ayaa i siisay oo iga ceshtay Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun," ayuu raaciyay.

Intaasi kuma eka ficilada uu ku dhaqaaqay Aaba Ilyaasi si uu u soo xasuusto gabadhiisa waxaase wehlisa in uu shaashada telafoonkiisa uu saartay sawirkeeda.

Sawirka ayaa ah midka ay ku dul-xardhan tahay "Caasha cadaalad bay rabtaa" kaasi oo baraha bulshada si wayn looggu adeegsado.

"Markii uu ficilku dhacayay waan ka maqnaa dalka … Aad ayaan uga naxay balse waxay ahayd qadar ALLE," ayuu si cad u qiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM