Abuukar Cawaale oo booqdey dugsiga sare ee Gambool

Image
Image
Image
Image

February 21, 2015 (GO)- Guddoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale ''Qaad-diid'' ayaa maanta booqday dugsiga sare ee Gambool Garowe, halkaasoo uu kulan kula yeeshay ardaydda iyo mamulka dugsiga.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd gaarsiinta goobaha waxbxarashada farriinta la-dagalanka qaadka, boqollaal arday ah ayuu u jeediyay Abuukar Cawaale Qaaddiid khudbad xambaarsan dhibaatooyinka laga dhexlo qaadka iyo sida qaadka loo joojin karo.

Ugu horayntii mamulka Iskuulka Gambool ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalka gaaban uu Qaaddiid maanta kasoo gaaray iskuulka waxayna sheegeen inay taageersan yihiin Olalaha la-dagalanka qaadka.

Dadkii ka hadlay kulankan inta uu socday waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac, wuxuna soo jeediyay in dhalinyaradda Puntland looga baahan yahay inay dowrkooda ka qaataan la-dagalanka qaadka, kaasoo majo xaabiyay dhaqaalihii iyo caqligii dadka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ardayda Gambool oo hadlay ayaa su'aalo waydiiyay Abuukar Cawaale waxayna su'aalahaasi u badnaayeen kuwo la xiriira sababta ku kaliftay inuu qaadka la-dagalamo iyo xilliga uu bilaabay, iyadoona goobta sidoo kale ardeydu ka xuseen inay waqtigooda qayb ka siin doonaan wacyi galinta qaadka isla markasna ay gaarsiinayaan xaafadahooda si loola wada socdo.

Gudoomiye Qaad-diid ayaa khudbadiisa waxa uu kaga hadlay heerka uu marayo dagaalka siyaasadaysan ee Soomaaliya kusoo qaadeen wadamada qaadka soo galiya dalka, isagoo sheegay dal kasta inay horumariyeen dhalinyaradooda, loogana baahan yahay ardayda Gambool inay arrintaasi u kacaan oo ka hortagaan qaadka, wacyi galintana sii xoojiyaan.

Cawaale wuxuu ugu dambeyntii u mahad celiyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame, wuxuna sheegay inuu yahay mas'uul garab taagan olalaha la-dagalanka qaadka kuna guda jira in manhajka waxbarashadda Puntland lagu daro casharro ka hadla waxyeelada qaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM