Agaasimihii iyo tifatirihii Daljir Garowe oo xabsiga loo taxaabay

Image

May 23, 2015 (GO)- Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga u taxaabey agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe iyo weliba tifatirihii Daljir Garowe.

Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo Tifatire Jamaal Faarax Aadan aya xilligan ku xiran saldhigga booliska kantaroolka koonfureed ee Garowe.

Ilaa iyo hadda dowalddu kama hadlin sababta, balse qaar kamid ah hawl-wadeenada Daljir ayaa Garowe Online u sheegay in xarigoodu salka ku hayo barnaamij dood ah oo xalay ka baxay idaacadda. 

HALKAN KA DHEGEYSO BARNAAMIJKA

Barnaamijkaas oo ay marti ku ahaayeen gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Aqoonyahan Siciid Nuur Geedi, waxaa diiradda lagu saaray ammaan xumada ka jirta Puntland, hoos u dhaca dhaqaalaha iyo weliba ballan qaadyadii xukuumadda Madaxweyne Gaas sameysey oo ilaa iyo hadda wax badani ka hirgelin.

Xubno laga casumey dhanka dowladda oo qorshuhu ahaa inay barnaamijkaas ka qayb qaataan ayaa ka cudur daartey.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM