Agaasimihii Maaxtooyada Puntland oo iska casiley xilkii uu hayey

Image

GAROWE, Puntland- Agaasimhii madaxtooyada Puntland ayaa qoraal warsidaha Garowe Onine Heley ku sheegey in xilkii uu hayey iska casiley isagoo Madaxweynaha Puntland ugu mahadceliyey xilka uu horey ugu magacaabey.

Deeq Suleyman Yusuf oo kamid ahaa dhalinyaradii Madaxweynaha Puntland kasoo raacdey Muqdishu markii uu Ra'isal wasaraaha ahaa ayaa waxaa uu qayb weyn ka ahaa curyaamintii ku timid hay'adaha Puntland isagoo dhamaan shaqadooda ku soo ururiyey xafiiska madaxtoooyada Puntland.

Agaaaimihii hore ee madaxtooyada Puntland oo ku sugnaa magalaada Muqdishu ayaa kamid ahaa xubnaha olalaha ugu jira mid kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Somalia u tartamayey iyadoo wararku sheegayaan in is-casilaadiisa qayb ka tahay isagoo kamid dadka xilalka ka raadinaya dowlada cusub ee Somalia.

Xukuumada madaxweyne Gaas oo musuqmaasuq ragaadiyey ayaa saraakiishiisa dowlada waxay noqdeen kuwo shaqooyin ka raadinaya magalaada Muqdishu halka kuwo kale shaqo la'aan ugu sugan yihiin magaaloyinka Puntland.

Madaxweyne Gaas oo safar joogta ah uga maqan Puntland ayaa muddo sanad iyo Bar ah fariisan xafiiska shaqada ee lagu yaqaaney madaxdii hore uga soo arimin jirtey Puntland.

Hoos ka akhri qoraalka Deeq Saleyman Emailka uu u gudbiyay Madaxweynahiisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM