Al-Shabaab oo sheegatay ismiidaaminta caasimada Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxii caawa fiidkii ka dhacay agagaarka saldhiga booliska gobolka Nugaal ee caasimadda Puntland ee Garowe.

War qoraal ah oo lagu faafiyey baraha internet-ka ee taageera xoogagaas ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka uu ahaa gudoomiyaha Nugaal iyo Taliyihii hore ee booliska gobolka.

Balse waxay ka gaabsadeen in ay si cad u sheegaan waxyeeladda guud ee ka dhalatay weerarkaas is-miidaaminta ah.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah magaalada ayaa sababay dhaawacyo soo gaarey gudoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliye Faarax Galangooli, oo xaaladooda lala tacaalayo.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa dhaawacyadda mas'uuliyiinta ku tilmaamay "kuwa aad u culus".

Laamaha ammaanka Puntland ayaanan si rasmi ah wali uga hadlin dhacdada iyo wadarta guud ee waxyeelada ka dhalatay qaraxaas.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in askari kamid ahaa ilaalada mas'uuliyiinta uu dhaawacyo kasoo gaarey "falkaas argagaixiso".

Garowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga fiican Puntland. Falalka liddiga u ah nabad-gelyada waxay ku yihiin naadir, waxaana ugu wacan hay'addaha ammaanka oo waajib iska saaran xasilinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM