Askari ku dhaawacmay dagaalkii Af Urur oo codsi u diray Deni [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Muddo labo sano ah ayaa kasoo wareegatay markii Al-Shabaab ay ka fulisay Puntland weerarkii ugu cuslaa,, kaasi oo ay ku beegsatay saldhiga ciidamada difaaca PL ee tuulada Af Urur, gobolka Bari.

Qeyb kamid ah bulshada ayaa laga yaabaa in ay ilaaween duulaankaasi, balse qaar baanu wali maankoodu ka go’in, waana askartii ku naafowday, caruurtii waalidkoodu ku waayey iyo xaasaskii ay ka tageen.

Dadkaasi waxaa kamid ah Saciid Xasan Cali, xidigle ciidanka difaaca Puntland, kaasi oo aragiisa ku waayey, waxa uu ka sheekeeyay sida ay wax u soo gaaraan iyo hadii dowladii waqtigaasi jirtay ay ka heleen daryeel.

"Habeenkii nala soo weeraray baa indhaheygu igu dambeysay…sun khatar ah baa indhaha igag duushay," ayuu yiri Cali, kaasi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ee xarun goboleedka Nugaal.

Ku dhowaad 50 askari iyo xaasakoodii ayaa la sheegay in DPL ay kaga geeryootay weerarkaasi, iyada oo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu tahay mid liidata kuna waayey lixaadkooda.

"Dowladii Cabdiwali Gaasi, xukuumadiisii xabad Baristamool ah iima aysan gadin, taliyaasha waraaqahooda ma aanu qaban, haatana waa uu iska tegay," ayuu hadalkiisu daba dhigay Saciid.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo uu kalsooni xoogan ka mujiyay in uu garab istaagi doonto Dowladiisu ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay ka shaqeyso sidii isaga iyo saaxiibadiisa ugu fidin lahayd daryeel caafimaad.

"Maadaama aan aragga la’ahay madaxtooyada ma tegi karo..warbaahinta ayaana u marinaya oo aan ka codsanayaa madaxwaynaha cusub in uu Germany oo xaaladeeda wax looga qaban karo ii diro 3 bilood," ayuu raaciyay.

Sikastaba ha ahaatee, Saciid oo leh xaas iyo 6-caruur ah, sida, ayaa intii uu ka tirsanaa xoogaga dowlada waxa uu kasoo howlgalay farumaha; Galkacayo, Suuj, Garamaal, Af Urur iyo Galgala oo uu 9-sano ku sugnaa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM