Baahida loo qabo dib-u-howlgalinta hay'adda wadooyinka Puntland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Hay'adda wadooyinka Puntland oo kamid ah kuwa ugu da'da weyn maamulkan ayaa waxaa dhidibada loo taagey sanadkii 1997 markii ay soo if-baxdey baahida loo qabay dayactirka wadada dheer ee isku xirta gobolada Puntland taasoo hal-bowle u ah nolasha dadka degan degaanadan.

Hay'ddan oo loogu magacdarey "NESHA" [North-Eastern Highway Authority] ayaa ka kooban agaasime, ku-xigeen iyo Guddi [Board of Directors]. Miisaaniyadeeda waxay ka timaadaa cashuurta laga qaado agabka gaadiidka kasoo dega marsada Boosaaso.

Waajibaadka hay'addan oo markii hore la oran jirey NESHA balse hadda la yiraahdo PHA ayaa ah korjoogeynta iyo bixinta qandaraasyada lagu dayac-tirayo wadooyinkaan, si looga gashaanto dhibaatada daadadka soo roogmada.

- Qaabka shaqo ee Hay'ada PHA -

Hay'adda PHA oo curaarta bil walba lagu qiyaaso 130,000 dollar ayaa waxaa u qabta Wasaarada Maaliyada Puntland iyadda loogu shubayo xisaabta ay ku leedahay Baniga.

Balse sidda uu warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxay hanaankaasi uu meesha ka baxay mudadii ay jirtay xukuumadii tan hadda jirta ka horeysay.

PHA oo shaqaalaheedu koobnaa maamuladii ka horeeyey sanadkii 2014 ayaa markii dakhliga usoo xarooda laga jaro mushaharka shaqaalaha iyo adeegyda xafiisyada ayaa shaqadda dayac tirka wadooyinka ku qabataa lcagta dhigaalka ah ee u soo harta.

Ganacsatada iska leh shirkadaha dhismaha jidadka ayey hay’addu siisaa qandraasyo lagu dayactirayo wadooyinka muhiimka u ah shacabka Puntland.

Nidaamka qaybsiga qandaraasyadaasi ayaa lagu saleeyaa ganacsatada xarumaha ku leh gobolada Puntland.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey, sharciga PHA waxaa ka mamnuuc ah in hay’addu yeelato qalab dhismo isla markaana ay qandaraasyada qaadato taas oo ujeedku ahaa labo; In maamulka hay'adda aysan musuqmaasuq lugaha la galin iyo in shaqo abuur looga dhigo shacabka Puntland gaar ahaan shirkadaha dhismaha ee maxaliga ah.

- Halkee wax ka khalameen? -

Kadib markii uu talada Puntland la wareegey maamulkii ku guuleystey doorashadii 2014 ayaa waxaa PHA la soo gudboonaatey dhaqaale xumo ba'an iyadoo dakhligii uga soo xaroon jirey canshuurta looga jaro qalabka gadiidka ee kasoo daga dakada magaalada Boosaaso meelo kale loo weeciyey taasoo sababtey in hay'adda gabi ahaanba hareer-martay himilooyinkii loo dhisey waxayna isu badashey hay'ad u tartanta mashaariicda beesha caalamka bixiso.

PHA ayaa yeelatey qalab u gaar ah oo ay ku fuliso qandaraasyadda kuwaas oo ay ku jiraan mashruucii Jalam-Xarfo kaas oo burburey markii musuqmaasuq baahsan lugaha la gashay.

- Maxaa looga baahan yahay xukuumadda cusub? -

Dowladda cusub ee madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani oo hal ku dhageedu yahay "TAYAYN IYO TIIGSI" ayaa waxaa horyaal qodob muhiim u ah shacabka reer Puntland kaasoo ah dib u soo nooleynta, dib u dhiska PHA iyo hay'addaha kale iyadoo dib loosoo nooleynayo shuruucdii ku saleysneyd madax-banaanida iyo isla-xisaabtan kaasoo ka tarjumeysa dib u dayactirka burburka soo gaarey wadooyinka.

Hay'addan oo lacagaheedii canshuurta weli laga qaado shacabka ayaa waxay u baahan tahay in dib loo howlgeliyo isla markaana maamulkeeda uu noqdo mid aqoon iyo xirfad u leh hagaajinta burburka baaxada weyn ee ka muuqda wadooyinka laf-dhabarka u ah maamulkan.

Xukuumada cusub ee Madaxweyne Dani ayaa asbuucyadii la soo dhaafey waxa ay la kulantey caqabadii ugu horeysay ee aheyd iney ka jawaabto bur-burkii ay gaysteen daa-dadka roobka kuwaasi oo dhaawacyo gaarsiiyey wadada dheer ee isku xirta Garowe iyo Boosaso.

Dhibaatadan ayaa banaanka soo dhigtey baahida loo qabo in dib loo soo nooleeya hay’adda PHA oo horey loo oran jirey NESHA "North Eastern Highway Authority" taas oo ah hay'add ka jirta caalamka oo dhan kana howlgasha dayactirka wadooyinka muhiimka u ah dhaqaale dal.

Hay'adda ayaa u baahan in dib loogu celiyo xeerarkii ay ku shaqeyn jirtey iyadoo maamulka agaasinka ah ee fuliya howsha hay'adda ay kor joogto u yihiin guddi "Board ah" kaas oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddigaan ayaa waxa uu kor joogteynayaa howlaha hay'ada loo igmadey iyadoo si toos ah u hoos imaaneysa Madaxtooyadda gaar ahaan Madaxweynaha.

Sababta uu qayb uga noqdey xafiiska Madaxweynaha kor joogteynta shaqadda PHA ayaa ah muhiimda ay hay'addan u leedahay shacabka Puntland gaar ahaan ka warqabka dayactirka wadooyinka udub-dhaxaadka u ah dhaqaalaha maamulkan.

Marka laga soo tago khasaaraha roobabkii da'ay u gaysteen wadooyinka isku xira magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa horey u jirey bur-bur uu sababey dayactir la'aan iyo ka warqab la'aan kaas oo sababey in wadadii wayneyd ee ku xiri jirtey Puntland inteeda kale iyo magaalada dakada ah ee Boosaaso aysan labo gaari isku waydaari karin taasi oo keenta shilal fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM