Baarlamaanka Puntland oo su'aallo waydiiyey Wasiirka Qorsheynta

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Qorsheyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah DPL si wax looga weydiiyo cabasho ay Golaha u soo gudbisay Hay’adda Qandaraas bixinta iyo Iibka Puntland, taas oo lagu aasaasay xeer Lr. 11 ee 2020.

Wasiirka Cabdiqafaar Xaange ayaa guddiga uga warbixiyey shaqada wasaaradda, qorshaha 2020, caqabadaha jira iyo guud ahaan wada shaqeynta ay Wasaaraddu la leedahay Hay’adaha Dawladda iyo cabashada Hay’adda qandaraas bixinta & iibka Puntland.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in Wasaaraddiisa diyaar u tahay wada shaqeynta Hay’addaha, islamarkaana uu garawsaday cabashada laga soo gudbiyey uuna diyaar yahay inuu kala fariisto cabashooyin laga soo gudbiyey, dibna ay iska arkayaan Hay'adda Qandaraas bixinta iyo Iibka.

Intaas kadib, guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyey warbixinta wasiirka is uu uga bixiyo sharaxaad iyo faah-faahin dheeriya cabasha ay Hay’addu u soo gudbisay Golaha wakiillada.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM