Baarlamaanka Minnesota oo soo dhaweeyay Murashax Faarax Cali Shire [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MINNESOTA - Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa si diiran usoo dhaweeyay Murashax Faarax Cali Shire, oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland intii uu joogay dalka Mareykanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa u sara joogsaday soo dhaweynta Musharaxa markii Xildhibaanada Ilhaan Cumar ay ku dhawaaqday inuu la joogo Murashax Faarax Cali Shire.

Inta uusan booqan Xarunta Baarlamaanka waxaa xafiiskeeda ku qaabishay isaga iyo wafdigiisa Ilhaan Cumar, oo ah Gabar Soomaaliyeed oo katirsan Gollaha Sharci dejinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Faarax oo booqasho ku maraya dalal ku yaalla Yurub iyo Waqooyiga Qaaradda Ameerika ayaa waxuu kula kulmay USA qeybah kala duwan ee Jaaliyaddda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.

Murashax Faarax Cali Shire ayaa markii ay ka tagey Mareykanka gaarey wadanka Canada, waxuuna magaalada Toronto kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliya.

Faarax Cali Shire oo soo noqday Wasiirka Maaliyadda dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadda isku soo sharaxay doorashada Madaxtinimo ee Puntland, taasi oo lagu wado inay qabsoonto January 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM