Baarlamaanka Puntland oo cod u qaadey xisaab-xirkii sanadkii 2019

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha Wakiiladda dowladda Puntland oo Khamiista maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntooda magaala madaxda Garowe ayaa cod u qaadey soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019.

Kulanka waxaa gudoomiyey afhayeenka golaha, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa xaadirtay 41 Xildhibaan, sidda ay sheegtay xogheynta golaha. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sanadkii 2019 ayaa golaha u mariyey.

Akhrinta ayaa ahayd markii labaad. Cumar Xasan Cumar [Fiqi], wasiir ku xigeenka Maaliyadda, ayaa horaantii asbuucaan mudaneyaasha u gudbiyey warbixinta xisaab-xirka sanadkii hore.

"Ka dib Tallo-soo jeedinta, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday," ayaa lagu yiri qoraal.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7)".

Miisaaniyadda  Puntland ee 2020 oo goluhu horey u meelmariyey kadib markii xukuumadda ay soo ansixisay ayaa waa aduun lacageed dhan $346,416,158.99 oo ku saleysan dakhliga gudaha iyo dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM